Daqiiqaddii siddeedaad ee bilowa ciyaarta, waxa Joao Cancelo ay isku dhaceen difaaca Las Palmas ee Mika Marmol iyaga oo ku jira xerada ganaaxa ee goolka Las Palmas hortiisa, iyadoo uu xiddiga reer Portugal isku dayayey inuu kubbad ku toogto goolka.
Waxa isla markiiba uu Joao Cancelo ku dhacay dhulka isaga oo is-qabtay jilibka, waxaana dhakhaatiirta oo daaweyn kooban u sameeyey ay awoodi waayeen in ay kusii hayaan garoonka.
Joao Cancelo ayaa isku dayay inuu sii wato ciyaarta, laakiin laba daqiiqadood markii uu ku jiray garoonka ayuu dalbaday in la saaro, waxaana garabka soo qabtay Raphinha oo ka caawiyey in uu dibedda uga baxo garoonka, iyadoo la arkayay laacibkan oo la murugaysan dhaawaca.
Dhaawaca Joao Cancelo oo imanaya waxyar ka hor safarka ay Barcelona ku tegayso Sucuudiga oo ay kusoo ciyaarayaan tartanka Spanish Super Cup oo ay Semi-finalka ku ballansan yihiin Osasuna, taas oo haddii ay kasoo badiyaan ay finalka iskugu iman doonaan Real Madrid iyo Atletico Madrid midkooda soo badiya, ayaa waxa maanta baadhitaano ku samayn doonaan Joao Cancelo oo sawirro laga qaadi doono.
Laakiin tababare Xavi Hernandez oo xalay la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in aanu dhaawaca Joao Cancelo u muuqanin mid halis ah, inkasta oo uu shaki ku jiro inuu taam u noqonayo tartanka Spanish Super Cup.
Joao Cancelo ayaa waxa uu liiska dhaawacyada Barcelona kula biirayaa Pedri, Alonso, Gavi, Ter Stegen iyo Inigo Martinez.