Manchester United safarka ay maanta ugu tegayso Manchester City oo ay ku booqanayso Etihad Stadium ayaa laga dhigay waqti gaar ah oo ka duwan xilliyadii hore loo dheeli jiray kulamada noocan ah.
Kooxda tababare Erik ten Hag ayaa waajihi doonta wiilasha tababare Pep Guardiola oo u dagaallamaysa inay ku dhowaadaan Liverpool oo hadda afar dhibcood ka horreysa.
Kulamada Axadda ee adag, ayaa waxa caadiyan la ciyaari jiray 4.30pm waqtiga UK, laakiin waxa ciyaartan laga dhigay 3.30pm waqtiga UK, taas oo ka dhigan in hal saac laga soo horreysiiyey xilligii caadiga ahaa.
Ma aha markii ugu horreysay ee ay sidani ku dhacdo ciyaar Manchester derby ah, mana aha markii koowaad koowaad ee xilli-ciyaareedka la beddelo waqtigii looga bartay kulamada maanta oo kale ah.
Ciyaartii hore ee Manchester Derby ee bishii October ee Old Trafford oo 3-0 ay ku adkaatay Man City ayaa waxa ay bilaabantay isla waqtiga maanta oo kale, iyadoo lasoo qaddimay hal saac.
War-saxaafadeedyo ay labada kooxoodba soo saareen waqtigaas ayay ku sheegeen in xilliga ciyaarta loo beddelay oo loosoo qaddimay sabab la xidhiidha baahinta telefishanka oo go’aamiyey in waqtigan ciyaarta laga dhigo.