Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa indhuhu kusoo jeedsadeen caawa, kaddib markii ciyaartii El Clasico ee Real Madrid iyo Barcelona uu muran ka dhashay gool ay dhalisay Barcelona oo laga diiday markii ay garsooreyaashu isla qaateen in aanay kubaddu ka gudbin xariiqda goolka dhaxdiisa.
Arrintan oo keentay su’aal ah sababta looga isticmaali waayey horyaalka LaLiga aaladda ku xidhan kubadda iyo biraha goolka ee sheegta marka ay kubaddu ka gudubto xariiqda goolka dhaxdiisa ayaa waxa dood badan ka keentay Barcelona oo u arkaysay in ay kubaddu gool tahay, halka Real Madrid ay ciyaartoydeedu ogolaayeen in kaliya koorne la siiyo Barca maadaama ay kubadda iska saareen.
Madaxweynaha horyaalka Spain ee LaLiga oo lagu magacaabo Javier Tebas ayaa xagaagii shaaciyey in ay iska joojiyeen isticmaalka aaladda ‘Goal Line Technoloshy’ sababtana waxa uu ku sheegay in shirkadda samaysa qalabkan ay sannadkii ku xidhay lacag dhan afar milyan oo Euro.