Paulo Dybala ayaa iskaga tagay maanta xarunta tababarka ee kooxda Roma.
Ka hor inta uusan xarunta ka tagin, waxa uu waqti ku qaatay oo uu sawirro ku galay xarunta Trigoria markii ugu dambeysay maanta.
Dybala ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Saudi Pro League ee Al-Qadsiah, waxaana uu ka soo tagay xerada tababarka Roma ee Trigoria markii ugu dambeysay.
Muuqaalo laga soo duubay ayaa muujinaya dhowr taageere oo ku yaacay gaariga Dybala, isagoo xiddiga Argentina Taageerayaashisa jecel waqti la qaatay.
Corriere dello Sport iyo Sky Sport Italia ayaa sheegaya in Dybala uu maantaba macsalaameeyay saaxiibadiis, waxaana la sheegaya inuu goor horeba heshiis la gaaray kooxda Sacuudiga.