Magaca Toni Kroos ayaa marar badan soo baxay doodaha la xiriira hoos u dhaca qaab ciyaareedka Real Madrid xilligan, iyadoo dad badan ay rumeysan yihiin in kooxda ay dareemeyso maqnaanshaha khadka dhexe ee ciyaaryahanka reer Jarmal xilli ciyaareedkan.
Kroos ayaa ka fariistay xirfadda kubadda cagta xagaagii hore, kaddib Koobkii Qaramada Yurub.
Wareysi uu dhowaan siiyay Mundo Deportivo, Kroos ayaa ka hadlay go’aankiisa hawlgabnimada, noloshiisa Madrid, iyo weliba su’aalo ku saabsan mustaqbalkiisa tababarenimo.
“Go’aanka aan uga fariistay ciyaaraha gabi ahaanba kama qoomameynayo, inkastoo soo dhaweyntii iyo jacaylkii taageerayaasha ay ahayd mid aan la illaabi karin. Marnaba ma filaneyn,” ayuu yiri Kroos isagoo ka hadlaya go’aankiisa hawlgabnimada.
Kroos wuxuu u ciyaaray Real Madrid muddo 10 sano ah, isagoo saftay illaa 465 kulan oo tartamo kala duwan ah.
Xiddiga reer Jarmal wuxuu ahaa mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee guulaha kooxda 10-kii sano ee ugu dambeeyay, iyadoo uu ku guuleystay shan koob oo Champions League ah inta uu joogay kooxda.
Ugu dambeyn, Kroos ayaa la weydiiyay haddii uu ka fikirayo inuu bilaabo shaqo tababarenimo waqti dhow. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay inuusan xiiseyneynin inuu noqdo tababare, ugu yaraan tobanka sano ee soo socda.
“Ma aha xilligan. Ma sheegi karo haddii ay wax is beddeli doonaan toban sano gudahood.
“Laakiin ma doonayo inaan si dhakhso ah ugu laabto qaab nololeedkii aan si ula kac ah uga tegey: mashquul subax ilaa habeen, safarro badan, hurdada hoteelada – taas ayaa i daalisay sanadihii la soo dhaafay.
“Ma doonayo inaan si degdeg ah ugu laabto noloshii hore. In kastoo aan aaminsanahay inaan ku soo kordhin lahaa wax wanaagsan shaqada tababarenimo,” ayuu ku soo gabagabeeyay.