Arsenal oo ku soo baxday kaalinta labaad ayaa ku leh shan ciyaaryahan, iyadoo Man City ay ku leedahay afar ciyaaryahan.
Phil Foden ayaa markii ugu horeysay loo magacaabay kooxda sanadka ee PFA Premier League ka dib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah oo Manchester City ka caawiyay in ay ku guulaysato rikoodhkii ay jabisay horyaalka Premier league afraad oo xidhiidh ah.
Foden ayaa loo magacaabay kooxda abaalmarinta sanadlaha ah ee PFA Talaadadii, halkaas oo xiddiga sidoo kale loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka ee PFA.
Xiddiga ayaa sameeyay bandhigyo cajiib ah oo xiriir ah intii lagu jiray xilli ciyaareedkii hore, halkaasoo uu dhaliyay 19 gool oo horyaalka ah 27 kulan oo uu saftay, oo ay ku jirto labo gool oo uu ka dhaliyay West Ham maalintii ugu dambeysay si ay u xaqiijiso Man City horyaalka.
Abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka waxaa u codeeya ciyaartoyda Premier League, iyadoo kooxda sanadka ay soo aruuriyeen xulashooyinka ugu caansan.
Foden waxaa ku biiray seddex ciyaaryahan oo ay isku kooxda yihiin Man City, iyadoo ku guuleystaha kabaha dahabka ah Erling Haaland uu helay doorashadii labaad oo xiriir ah ka dib markii uu dhaliyay 27 gool ololihii hore.
Khadka dhexe ee saamaynta leh Rodri ayaa sidoo kale loo magacaabay kooxda markii labaad, halka daafaca midig iyo kabtanka Man City Kyle Walker uu soo muuqday markiisii afaraad isagoo wacdaro dhigay 47 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.
Inkastoo ay ku dhameysteen kaalinta labaad ee Premier League, Arsenal ayaa heysata ciyaaryahano ka badan – shan – oo lagu daray kooxda sanadka marka loo eego kooxda heysata horyaalka ee Man City.
Waxaa la xusay rikoorkooda difaaca ee xoogan, iyadoo Gunners laga dhaliyay kaliya 29 gool xilli ciyaareedkii hore.
Tani waxay keentay in lagu soo daro goolhaye David Raya, kaasoo ku guuleystay galoofka dahabiga ah ka dib markii uu shabaqiisa ilaashaday 16 kulan oo horyaalka ah.
Raya ayaa sidoo kale ka guulaystey saaxiibkiis Aaron Ramsdale, kaas oo loo magacaabay goolhayaha kooxda sanadkii hore.
Daafaca dhexe ee Arsenal ee William Saliba iyo Gabriel Magalhaes ayaa lagu soo daray.
Saliba, oo ciyaaray daqiiqad kasta xilli ciyaareedka Premier League, ayaa soo muuqday sanadkii labaad oo xiriir ah.
Daafaca waxaa dhameystiray daafaca Liverpool Virgil van Dijk, isagoo afarta dambe lasoo muuqday Walker, Saliba iyo Gabriel oo daafaca ka ciyaara.
Laba xiddig oo Gunners ah ayaa khadka dhexe kula biiraya Rodri, iyadoo Declan Rice uu kasbaday booska ka dib xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda ka dib markii uu 105 milyan ginni kaga soo dhaqaaqay West Ham.
Rice waxaa ku biiraya kabtanka Arsenal Martin Odegaard, iyadoo Norwegian-ka uu helay doorashadii labaad oo xiriir ah.
Labada ciyaaryahan ee Man City ee Foden iyo Haaland waxay weerarka ku weheliyan Ollie Watkins oo ka tirsan Aston Villa.
Weeraryahanka England ayaa dhaliyay 19 gool waxaana uu caawiyay 16 gool si uu Aston Villa uga caawiyo in ay ku dhameysato booska afaraad u soo bixitaanka Champions League.
Ku darida Watkins ee Foden iyo Haaland waxay la macno tahay in boos loo waayay xiddiga Arsenal ay jecel yihiin Bukayo Saka iyo xiddiga Chelsea Cole Palmer.