Ciyaarta wareegga siddeedda FA Cup ee Manchester United iyo Liverpool ee Axadda usbuuca soo socda ayaa la shaaciyey waqtiga la ciyaari doono oo laga dhigay xilli aan inta badan la dheelin maalmaha Axadda.
Labada kooxood ee ugu guulaha badan Ingiriiska, uguna xafiiltanka badan ayaa ciyaartooda oo ka dhacaysa garoonka Old Trafford, waxa ay midkood ugu gudbi doontaa semi-finalka tartanka FA Cup, halka kooxda kalena ay tartanka ka hadhi doonto.
Manchester United iyo Liverpool oo aan wali ciyaarin kulankoodii labaad ee horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan oo bishii December barbarro 0-0 ah kusoo kala baxay ciyaartoodii Anfield, ayaa waxa uu midkood iska xaadirin doonaa garoonka Wembley oo semi-finalka lagu dheelayo.
Xilli-ciyaareedkii hore, kooxda tababare Erik ten Hag ee Manchester United ayaa garaacday wiilasha Jurgen Klopp ee Liverpool ciyaartoodii ugu dambaysay ee garoonka Old Trafford oo ahayd xilli-ciyaareedkii hore, waxaana Red Devils ka go’an inay guuleystaan, si ay ugu sii jiraan tartanka koobka kaliya ee ay fursadda u heli karayaan inay ku guuleystaan, halka Liverpool oo hore usoo qaadday Carabao Cup ay doonayso inay sidoo kale ku darsato FA Cup, iyadoo sidoo kalena ku loollamaysa Premier League iyo Europa League.
Waa maxay sababta ciyaarta Man United vs Liverpool looga dhigay waqtiga gaarka ah?
Ciyaarta FA Cup ee wareegga siddeedda ee Manchester United iyo Liverpool ee garoonka Old Trafford ayaa la ciyaari doonaa maalinta Axadda ee March 17. Waxa ay ciyaartu bilaabmi doontaa marka ay saacadda UK tahay 3:30pm oo ku beegan 6:30pm waqtiga Geeska Afrika.
Kulamada maxalliga ah ee Ingiriiska ee maalmaha Axadda ayaa waxa la ciyaaraa 2pm iyo 4:30pm waqtiga UK, laakiin telefishanka ITV1 ee ciyaartan baahinaya iyo booliska UK ayaa go’aamiyey in kulankan hal saac laga soo horreysiiyo waqtiga caadiga ah ee kulamada dambe soo dhacaan oo ahayd 4:30pm waqtiga UK.