Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ka xumaatay in Bayern Munich ay shaqada ka caydhiso tababaraheeda Thomas Tuchel oo goordhoweyd shaaciyey inuu ka tegi doono kooxdiisa dhamaadka xilli-ciyaareedkan, inkasta oo uu sannad uun laylinayey.
Thomas Tuchel oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey bixitaankiisa, sidoo kalena Bayern Munich ayaa saxaafadda u sheegtay in macallinkeeda Thomas Tuchel uu tegi doono marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.
Wariyaha ciyaaraha Sky Germany ee Florian Plettenberg oo saaka sii helay xogta ka hor intii aanay dhinacyadu si rasmi ah u shaacinin inuu soo dhamaaday cimriga Thomas Tuchel ayaa yidhi: “Kaddib wada-hadal wanaagsan oo daacadnimo ah oo ay yeesheen FC Bayern iyo Thomas Tuchel waxay go’aansadeen inay burburiyaan heshiiskooda dhamaadka xilli-ciyaareedka.”
Kaddib shaacinta Bayern Munich ee bixitaanka Thomas Tuchel, kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ka cadhootay tallaabadan sababtoo ah waxay Munich ku qabsan doontaa tababaraha ay Reds raadinayso ee Xabi Alonso oo ah macallinka hadda ee Bayer Leverkusen.
Alonso oo usoo ciyaaray Liverpool iyo Bayern Munich, ayaa waxa mar hore diiraddeeda saartay Liverpool oo doonaysa inay ka dhigato beddelka Jurgen Klopp oo ka tegaya Anfield dhamaadka xilli-ciyaareedkan kaddib sagaal sannadood oo uu laylinayey Liverpool.
Bayern Munich ayaa iyaduna doonaysa in Xabi Alonso uu noqdo macallinkeeda cusub, waxaana labadan kooxood uu dagaal ku dhax-mari doonaa sidii ay mid walba u heli lahayd ciyaartoygeedan hore ee uu tababare ugu noqon lahaa.