Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa qirtay in dadaalkiisii xilli-ciyaareedkan uu ahaa mid “aad u liita,” maadaama kooxdiisu ay ku dhibtoonayso inay dib u hesho qaab-ciyaareedkii guusha lahaa.
Kooxda difaacaneysa horyaalka, oo lix jeer ku guuleysatay Premier League tan iyo markii Guardiola yimid 2016, waxay haatan ku jirtaa kaalinta shanaad, iyagoo 22 dhibcood ka hooseeya hogaamiyeyaasha Liverpool.
Tartanka Champions League, City ayaa laga soo reebay ka hor wareega 16-ka, ka dib markii ay guuldarro 6-3 ah isku darka labada lugood kala kulmeen Real Madrid.
Markii suxufiyiintu weydiiyeen inuu qiimeeyo waxqabadkiisa xilli-ciyaareedkan, Guardiola wuxuu ku jawaabay: “Xilli-ciyaareedkan? Aad ayuu u liitaa.”
“Mas’uuliyaddaydu waxay ahayd inaan si ka wanaagsan uga soo baxo xaaladdan, laakiin sidaas ma sameynin.”
City waxay Axadda la ciyaari doontaa Bournemouth wareega siddeed dhammaadka FA Cup, iyagoo raadinaya inay markoodii siddeedaad ku guuleystaan koobkan.
Si kastaba ha ahaatee, Guardiola wuxuu sheegay in hanashada koobab ama u soo bixitaanka Champions League aysan tirtiiri doonin niyad-jabka ka dhashay qaab-ciyaareedka liita ee xilli-ciyaareedkan.
“Dabcan waa wax fiican in finalka FA Cup la gaaro, la guuleysto, sidoo kalena Champions League loo soo baxo,” ayuu yiri. “Taasi waxay noqon lahayd guul weyn, laakiin xilli-ciyaareedku wuxuu ahaa mid liita, taasina waxba isma beddeli doonto.”
“Heerarkayaga iyo waxyaabo badan ayaan fiicnayn – taasi waa xaqiiqada … Waxaan rajeynayaa in xilli-ciyaareedka soo socda aysan sidaan oo kale noqon doonin.”