Tababaraha cusub ee Manchester United Ruben Amorim ayaa xaqiijiyay inuu wadahadalo la yeelan doono Ruud van Nistelrooy, oo ah halyeeyga kooxda, si loo go’aamiyo mustaqbalkiisa.
Ruben Amorim oo 39 jir ah, ayaa rasmiyan uga tagay kooxda Sporting Lisbon si uu u qabto xilka tababaranimo ee Manchester United, kadib markii Erik ten Hag shaqada laga cayriyey bishii la soo dhaafay. Go’aankiisa ugu horreeya ayaa ah inuu go’aamiyo mustaqbalka Ruud van Nistelrooy, oo horey ugu soo laabtay kooxda sidii caawiye bishii Luulyo.
“Waa Halyeey kooxda United. Wuxuu qabtay shaqo weyn,” ayuu yiri tababaraha reer Portugal. “Waxaan la hadli doonaa berri. Markaas ayaan wax walba sharxi doonaa. Aad baan ugu cadahay mowqifkayga, waxaan idinla wadaagi doonaa sidii ay tahay. Aan suugno ilaa berri.”
Axadii hore, Ruud van Nistelrooy ayaa u sheegay BBC Sport kadib markii uu Manchester United ku hogaamiyay guul 3-0 ah oo ay ka gaareen Leicester City: “Waan ku raaxaystay [in aan noqdo tababare ku meelgaar ah], waa xilli kooban laakiin cajiib ah. Waxaan isku daynay inaan shaqadeena qabano oo aan ka caawino kooxda sidii loo baahnaa.
“Waxaa jira dareenno badan, taageerayaasha way i taageereen aniga iyo kooxda xilliyada adag waana shay gaar ah. In aan ku soo xirno xilligan ciyaaraha guulo iyo xiriir wanaagsan ayaan u mahadcelinayaa dhammaantood. Waxaan baran doonnaa waxa qorshaha dambe yahay hadda.”