Muddo kadib Kooxda Arsenal ayaa ka gudbi doonta dhibaatadii ka heysatay iibinta ciyaartoydeeda.
Waxaa la arkayay Gunners oo aan wax dhaqaalo ah ka sameeynin ciyaaryahanada ay iibinayso sanadooyinkii ugu dambeeyay, balse imika waxay doonaysa inay macaash badan ka sameeyso.
Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay filayso dalabyo cusub oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee Emile Smith Rowe kadib markii ay diiday laba dalab horaantii todobaadkan.
Waxaa la sheegay in Fulham iyo Crystal Palace ay labadooduba ku guuldareysteen inay u soo dhawaadaan xiddiga heerka caalami ee dalka England, kaasoo la filayo inuu ka tago isagoo raadsanaya boos joogto ah oo uu ka helo meel kale.
Dalabka Crystal Palace ayaa loo malaynayay in uu ahaa 30 milyan oo gini, laakiin waxa laga yaabaa in ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan 40 milyan oo gini, taas oo ka dhigaysa bixitaanka Smith Rowe midkii Arsenal ugu qaalisanaa abid.
Gunners ayaa doonaysa in xaaladdan oo kale ay hirgeliso, maadaama aysan wax iib ah samayn tan iyo markii ay Alex Oxlade-Chamberlain u ugu biiray Liverpool xagaagii 2017.
Arsenal ayaa hadda ku dhiirratay inay dalabyo badan ka hesho Akadeemiyadeeda, laakiin Fulham ayaa kaliya sameysay dalab rasmi ah.
Si kastaba ha ahaatee, Palace oo lumiyay Michael Olise xagaagan sidoo kalena halis ugu jira inay lumiyaan Eberechi Eze, waxay aad u jecel yihiin Smith Rowe waxayna darisayaan qaabkii ay kula wareegi lahaayeen.
Laacibka reer England oo xulkiisa kula guuleystay 21-jirada Yurub sannadkii hore ayaa hadda ku soo laabtay xerada Arsenal si uu isugu diyaariyo xilli ciyaareedka cusub, laakiin Gunners ayaa u ogolaan doonta inuu ku baxo qiimo sax ah.