Taageerayaasha Man United oo ku baaqay in Ruben Amorim uu keydka galiyo laba ciyaaryahan marka uu noqdo tababaraha cusub, inkastoo ay ka guuleysteen kooxda PAOK.
Taageerayaasha Manchester United lama aysan dhicin qaab ciyaareedka kooxda, inkastoo ay ku guuleysteen 2-0 kulankii ay la ciyaareen PAOK ee Europa League habeenkii Khamiista.
Taageerayaashu waxay ku baaqeen in Ruben Amorim uu beddelo laba ciyaaryahan oo ka tirsan safka hore marka uu si rasmi ah u noqdo tababaraha cusub.
Amad Diallo ayaa dhaliyay labadii gool ee ciyaarta, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa garoonka Old Trafford, waxaana taageerayaasha ay ku boorriyeen Amorim inuu siiyo fursado badan marka uu la wareego kooxda.
Amorim oo 39 jir ah ayaa si rasmi ah u noqon doona tababaraha United 11-ka Nofeembar marka uu ka tago Sporting, iyadoo kulankiisa ugu horreeya uu noqon doono midka Premier League oo ay la ciyaarayaan Ipswich Town 24-ka Nofeembar.
Taageerayaasha Man Utd oo ku baaqay in Amorim uu go’aan degdeg ah qaato.
Alejandro Garnacho iyo Diogo Dalot ayaa la beddelay kulankii ay ka badiyeen PAOK, qaarna waxay aaminsan yihiin inaysan u qalmin inay ku bilowdaan kulanka ugu horreeya ee Amorim ee Ipswich.
Taageere ayaa qoray: “Shaqada ugu horreysa ee Amorim waa inuu keydka galiyo Garnacho iyo Dalot.”
Mid kale ayaa raaciyay: “Dalot iyo Garnacho oo la beddelay waxay u tahay calaamad wanaagsan in Ruud uu og yahay kuwa aan si fiican u ciyaarayn. Labaduba waxay qabtaan waxyaabo fiican, laakiin kuma joogteeyaan waxqabadkooda ciyaarta dhexdeeda.”
Mid saddexaad ayaa magac kale ku daray doodda: “Waxaan u maleynayaa inay tahay xilligii laga hadli lahaa si dhab ah Dalot, Hojlund iyo Garnacho.”