Khabiirada kubadda cagta, Martin Keown iyo Owen Hargreaves, ayaa amaanay khadka dhexe ee weerarka, Ethan Nwaneri, ka dib bandhiggiisii cajiibka ahaa ee kulankii Champions League ee Arsenal ay 2-1 kaga adkaatay Girona Arbacadii.
Nwaneri ayaa dhaliyay goolka guusha iyadoo uu si qurux badan uga toogtay bannaanka xerada ganaaxa.
Gunners ayaa looga hormaray gool qeybtii hore markii Arnaut Danjuma uu ka faa’iideystay goolhayaha kumeel gaarka ah, Neto oo soo baxsanaa.
Si kastaba ha ahaatee, Gunners ayaa barbaraha ku heshay rigoore uu dhaliyay Jorginho, ka hor inta uusan Nwaneri dhalinin goolkiisii ugu horreeyay ee Champions League ee Arsenal, taasoo ka caawisay inay u gudubto wareega xiga ee tartanka.
Keown iyo Hargreaves ayaa labaduba la dhacay qaab ciyaareedkii Nwaneri.
Keown ayaa u sheegay TNT Sports: “Waxaan jeclahay markuu ciyaaryahan da’yar ah bandhig cajiib ah sameeyo habeen ciyaareed muhiim ah.
“Waxaan horey ugu ammaannay xirfaddiisa, waana cadahay sababta – kubadda wuxuu u laaday si xoog leh, balse si xakameysan oo qurux badan ayuu geeska shabaqa ugu leexiyay.
“Wuxuu leeyahay awood weyn, wuxuuna ka dhigay goolkaas mid fudud.”
Dhankiisa, Hargreaves ayaa yiri: “Waxa layaabka leh ee ku saabsan isaga waa sida kubaddu ay ugu dhowdahay lugtiisa – marnaba kama fogaanayso.
“Ma rabo inaan sheego cidda uu i xasuusiyo, waayo taasi cadaadis bay saaraysaa, balse waa ciyaaryahan gaar ah.”