Inta badan, marka taageerayaasha la weydiiyo cidda ugu muhiimsan ee garoonka kubbadda cagta, jawaabta ugu horeysa ee ay bixinayan waxay noqonaysa weeraryahanka.
Inta badan waxaa la sheegaa in shaqada ugu adag ee isboortiga ay tahay in la dhaliyo gool, waana sababta keentay in dadka hawshaas loo igmado la siiyo lacago badan.
In kasta oo qaar badan oo ka mid ah Gooldhaliyaasha ay yihiin kuwo aan la rumaysan karin waxa ay sameenayan, haddana waxba ma noqon lahayn la’aanta xiddigaha ka dambeeya kuwaas oo abuuraya fursado badan.
Doorka kubadsameeyaha si weyn ayaa loo dhayalsadaa, balse imika waxaa la jooga xiligii aad y qiri lahayd shaqadooda.
Khubarada ka hawlgasha xarunta CIES Football Observatory ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda sida fiican u dhisa kubada ee shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub.
Liiskan waxaa kasoo muuqday keliya laba xiddig oo Premier League-ga ah.
Waa kuwaan 10-ka Kubadsameeye ee ugu fiican.
- Joao Neves / Paris Saint-Germain
- Cole Palmer / Chelsea
- Romano Schmid / Werder Bremen
- Lamine Yamal / Barcelona
- Alex Baena / Villarreal
- Iago Aspas / Celta Vigo
- Khvicha Kvaratskhelia / Napoli
- Rafael Leao / AC Milan
- Mohamed Salah /Liverpool
- Mitchell Weiser / Werder Bremen