Emmanuel Petit ayaa sheegay in tababaraha Arsenal Mikel Arteta ‘uu ku riyoonayay’ inuu la soo saxiixdo xiddiga Euro 2024 Nico Williams.
Emmanuel Petit ayaa ku andacoonaya inuu og yahay in tababaraha Arsenal Mikel Arteta uu ku riyoonayay inuu la soo saxiixdo xiddiga ku guuleystay Euro 2024 Nico Williams bedelkii Raheem Sterling.
Arsenal ayaa ka mid ahayd dhowr kooxood oo si weyn loola xiriirinayay 22 jirka garabka uga ciyaarayay Spain intii lagu jiray Euro.
Williams ayaa xilli ciyaareedyadii u dambeeyay si aad ah uga soo muuqday Athletic Bilbao, waxaana uu ku riyaaqay tartankii kadhacay Jarmalka, isagoo xiddig ka ahaa guushii Spain ee Euro 2024 oo uu gool ka dhaliyay finalkii England.
Inkastoo uu u muuqday bartilmaameedka qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub, Bilbao waxay awooday inay sii haysato Williams waqtigaas, inkastoo uu sii waday in lala xiriiriyo u dhaqaaqista Barcelona.
Petit ayaa aaminsan in maamulaha Gunners Arteta uu ku riyoonayay inuu Williams keeno Emirates Stadium wuxuuna sheegay in uu markaas u jeestay xiddiga heerka caalami ee dalka England Sterling isagoo argagaxsan markii uu ogaaday in bartilmaameedkiisa koowaad uusan ku biiri doonin Arsenal.
Sterling ayaa si lama filaan ah uga soo dhaqaaqay kooxda chelsea kuna biiray Arsenal maalintii ugu dambaysay ee suuqa kala iibsiga kadib markii uu caydhiyay tababaraha cusub ee Stamford Bridge Enzo Maresca.
29-sano jirkaan ayaa afar koob oo Premier League ah kula guuleystay Manchester City, laakiin wax qabad yar ayuu ku lahaa Chelsea, waxaana uu si gaabis ah ku bilowday xirfadiisa Arsenal.
‘Raheem Sterling waxa uu ahaa iib argagax leh,’ ayuu u sheegay ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Arsenal Petit Instant Casino.
Waan ogahay inuu ku riyoonayay Nico Williams, laakiin waligiis ma iman doono Premier League. Waxa uu joogi doonaa Spain; wuxuu aadi doonaa Barcelona. Dhab ahaantii.