Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa laga ganaaxay xiddiga reer England ee Jude Bellingham oo aan lagu soo dari doonin liiska kooxdaas kulanka horyaalka LaLiga ee Las Palmas, kaddib ciyaartii qasku hadheeyey ee Almeria ay 3-2 kaga badiyeen toddobaadkan.
Real Madrid ayaa ka daba timid Almeria oo 2-0 ku hoggaaminaysay, waxaanay ugu beddeshay 3-2, iyadoo garsooreyaashii ciyaartan si aad ah ay fartu ugu godan tahay kaddib gool ay ka diideen Almeria iyo inay ogolaadeen gool uu garabka ku dhaliyey Vinicius Junior.
Jude Bellingham oo noqday xiddigii garoonka ee ciyaartaas, isla markaana dhaliyey goolka koowaad ee kooxdiisa oo rikoodhe ahaa iyo midka ugu dambeeyey ee guusha oo uu kubadda madax ugu dhiibay Dani Carvajal oo shabaqa ku leexiyey kubadda dhamaadkii ciyaarta, ayaa waxa la siiyey kaadh digniin ah.
20 jirkan oo hoggaaminaya gool-dhalinta horyaalka LaLiga ayay u buuxsameen shan kaadh oo horyaalka LaLiga ah oo uu qaatay xilli-ciyaareedkan socda, waxaana sida uu sharcigu dhigayo uu ganaax kaga maqnaan doonaa hal kulan oo ay kooxdiisu ciyaarayso, taas oo ah Las Palmas.
Brahim Diaz ayaa la sheegay in uu Carlo Ancelotti kusoo bilaabi doono booska uu ka maqnaanayo Jude Bellingham, iyadoo weerarka ay ku wehelin doonaan Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes oo uu isaguna booska No.10 ka taageeri doono.
Carlo Ancelotti ayaa hore u sheegay in booska uu Brahim Diaz ugu fiican yahay uu ka dheelo Jude Bellingham, waxaanay taasi keenaysaa in laacibkan reer Spain uu dib u helo booskiisa isaga oo waliba ku jira xilli-ciyaareed fiican oo dhaliyey lix gool oo dhamaan tartamada ah 23 kulan oo uu dheelay oo uu intooda badan kusoo galay beddel.