Ciyaartoy ay Manchester United ku dhaadan jirtay oo halbowle u ahaa waqtiyga qaarkood, waxa uu hadda yahay baadari faafiya diinta Kiristaanka oo ku sugan Kaniisadda Kaatoligga oo marba meel loo beddelo.
Philip Mulryne oo khadka dhexe uga ciyaari jiray Manchester United iyo xulka Northern Ireland, waxa uu dalkiisa u saftay 27 ciyaarood, isaga oo sidoo kalena waqtiyo kusoo qaatay kooxaha Norwich City iyo Cardiff City, ka hor intii aanu gelin Kaniisadda Kaatoligga sannadkii 2017 oo uu ka noqday baadari faafiya khuraafaadkooda.
Kaafirkan lunsan, waxa uu waayihiisa ciyaareed ka bilaabay garoonka Manchester United oo uu kulliyaddeeda da’yarta kasoo baxay, waxaana uu ka mid ahaa ciyaartoydii firfircoonaa ee heerarka da’dyarta wacdaraha ka dhigi jirtay, balse markii uu usoo dallacay kooxda koowaad ayuu ku fashilmay isaga oo hal kulan oo kaliya oo Premier League ah u saftay.
Sannadkii 1999kii, ayay Manchester United £500,000 Gini ku iibisay baadarigan oo waqtigaas ay la wareegtay Norwich City, waxaana uu u saftay 150 ciyaarood oo horyaalka ah isaga oo ka tegay sannadkii 2005. Waqtigii uu joogay Norwich waxa uu ka mid noqday ciyaartoyda ay ugu jecel yihiin taageereyaasha kooxdaasi.
Cardiff City ayaa la wareegtay 2005, balse waxa ka lumay qaab ciyaareedka isaga oo Cardiff ay isku sii dhaafisay Leyton Orient iyo King’s Lynn Town, ka hor intii aanu ciyaaraha ka fadhiisanin sannadkii 2008.
Waxa uu markaas kaddib falanqeeye ka noqday telefishannada oo uu ciyaaraha gorfayn jiray, balse mar kaliya ayuu u xuub-siibtay baadarinimo oo uu ka baxay ciyaaraha isaga oo galay kaniisadda Kaatoliga oo uu baadari ka noqday.