Dheemanka Brazil ee Endrick ayaa markii uu xalay xulkiisa guusha ku hoggaamiyey isla markaana uu noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee Brazil gool u dhaliya tan iyo intii ka dambaysay Ronaldo Nazario oo sannadkii 1994kii rikoodhkaas loo diiwaangeliyey, sidoo kalena noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee abid gool ku dhaliya garoonka Wembley Stadium, ayaa waxa uu xusay halyey taariikh ku lahaa xulka England iyo Manchester United.
Endrick ayaa saamayn weyn ku yeeshay ciyaartii saaxiibtinimo ee garoonka Wembley ku dhaxmartay England iyo Brazil, taas oo uu beddel kusoo galay daqiiqaddii 71aad, laakiin sagaal daqiiqadood oo kaliya markii uu garoonka ku jiray uu dhaliyey goolka guusha siiyey Brazil.
Kubbad uu Vinicius Jr. kula baxay goolka ayaa waxa badbaadiyey Jordan Pickford, laakiin waxa ay kubaddu u tagtay Endrick oo shabaqa oo cidlo ah ku leexiyey kubaddaas.