Mo Salah oo helay dhabbo cusub uu kaga tagi karo Liverpool, maadaama tababare koox weyn oo Yurub ah uu diyaar u yahay inuu lasoo saxeexdo xiddiggan.
Liverpool waxay ka taxaddarayeen in Mohamed Salah u dhaqaaqo dhanka Saudi Arabia sanadka 2025, laakiin hadda waxaa la sheegay in koox weyn oo Yurub ah ay sidoo kale ku jirto tartanka lagu soo xero gelinayo laacibka.
Salah wuxuu ku jiraa sannadka ugu dambeeya ee heshiiskiisa Liverpool. Taageerayaasha Liverpool waxay si xamaasad leh u sugayaan wararka ku saabsan fursada uu Salah kusii joogi karo Anfield.
Meesha ugu badan ee la filayo in Salah uu u wareego waxay u muuqataa inay tahay Sacuudiga, kadib markii Al-Ittihad ay isku dayday inay la wareegto xiddiga bishii Sebtembar 2023.
Salah ayaa shan gool iyo shan caawimo ka helay 10 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan. 32-jirkan ayaa laga yaabaa inuu doonayo inuu kusii nagaado Anfield.
Wargeyska Fichajes ayaa shaaciyay in tababaraha Paris Saint-Germain, Luis Enrique bartilmaameedsanayo Salah si uu ugu xoojiyo weerarka kooxdiisa.
Ma jiro wa wada hadal ah oo heshiis kordhin ah oo ay Liverpool la furtay Salah, Mana jirto wax warbixin ah oo shaacineyso aragtida Salah ee ku aaddan inuu u guuro caasimadda Faransiiska.
Sidoo kale, si cad looma sheegin haddii PSG ay sugi doonto ilaa Salah uu noqdo ciyaaryahan xor ah xilli ciyaareedka soo socda, ama haddii ay isku dayi doonaan inay iibsadaan xiddiga bisha Janaayo.