Taageerayaasha Arsenal ayaa rajeynaya in Bukayo Saka uu ku hogaamiyo kooxdooda ku guuleysiga Premier League.
Saka waxa uu noqday qayb muhiim ah oo ka tirsan kooxda Mikel Arteta isaga oo dhaliyay 10+ gool oo Premier League ah mid kasta oo ka mid ah saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay inkasta oo uusan aheyn weerarka toos ah.
23-sano jirkaan ayaa si wanaagsan kaga shaqeeyay weerarka midig ee Gunners iyo xulka England isagoo rikooro cajiib sameeyay.
Si kastaba ha noqotee, muhiimadda joogtada ah ee uu u leeyahay kooxda Arteta waa mid muuqata, inkastoo wali jirto dhaleeceyn badan oo ay Gunners la kulmeyso.
Daaficii hore ee Manchester United Paul Parker oo labo horyaal EPL kula guuleystay kooxda ka dhisan Old Trafford ayaa sheegay in Arteta uu ku qaldanaa go’aankii xagaagii ee uu kaga diray kooxdiisa Emile Smith-Rowe oo ku biiray Fulham.
Waxaan qabaa in ciyaartoyda lamid ah Emile Smith-Rowe ay yihiin kuwa ay Arsenal ubaahan tahay marar badan.
Waxay ila tahay inuu xitaa Gabriel Martinelli iyo Saka kayara sarreeyay, mar walbana waxa uu u muuqday mid aan helin doorkii uu mudnaa.
Dad bada oo falanqeeyayaal ah iyo xitaa qaar kamid ah taageerayaasha Arsnal ayaa ka xumaaday qorshihii Arteta uu kaga iibiyay Arsenal Smithe Rowe.