Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Jorginho ayaa laga yaabaa inuu ka tago kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Jorginho sababta ugu weyn ee ku qasbeysa inuu ka tago Arsenal ayaa ah boos la’aantiisa kooxda, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay.
33-sano jirkaan ayaa galay lixdii bilood ee ugu dambeyay qandaraaskiisa Arsenal isagoo markii hore kooxda Gunners ku biiray kala barka xilli ciyaareedkii 2022/23.
Haatan ma muuqato qorshe uu ku saxiixayo qandaraas cusub, kuma jiro ciyaartooyda uu ku tashanayo tabbaare Arteta oo hogaamiya Arsenal.
Jorginho oo 57-kulan oo heerka caalami ah usaftay xulka qaranka Italy ayaa xilli ciyaareedkan in badan uusan isticmaalin Mikel Arteta,waxana uu ku soo bilowday kaliya sagaal kulan tartamada oo dhan,taasi oo keentay in uu ka niyad jabo fursad uu ka heli karo kooxda koowaad.
Sida laga soo xigtay ESPN, Jorginho ayaa hadda ka fikiraya inuu baxo, waxaana uu dalab ka heystaa kooxda reer Brazil ee Palmeiras ka dib kulan dhexmaray wakiilka ciyaaryahanka iyo Arsenal.
Palmeiras iyo kooxda kale ee reer Brazil ee Flamengo ayaa ah labada kooxood ee uu Jorginho ku biiri karo.
Jorginho oo ku dhashay Brazil ayaa doortay inuu matalo xulka qaranka Talyaaniga, wuxuuna haatan ku fakirayaa inuu xirfadiisa kusoo gabagabeeyo halkii uu ku dhashay.