Ilaa iyo toban kooxood ayaa isha ku haya xaalada daafaca Jakub Kiwior ee katirsan Arsenal.
Saddex koox ayaa horeba Arsenal su’aalo ku saabsan suurtogalnimada lagu heli karo daafacaan weydiiyay xili ciyaareedkaan.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay shabakada CaughtOffside in Gunners aysan wali go’aan kama dambeys ah ka gaarin xaalada Kiwior, laakiin waxaa loo maleynayaa in dalab u dhaxeeya 40-45 milyan euro ay ku iibin karaan ninka reer Poland.
CaughtOffside waxay daaha ka qaaday in tobanka kooxood ee isha ku haya Kiwior ay kala yihiin Juventus, AC Milan, Inter Milan, Napoli, Atalanta, Fiorentina, Bologna, Sevilla, Villarreal, iyo Marseille.
Ilaa hadda, saddexda kooxood ee Arsenal wax ka weydiiyay Kiwior ayaa kala ah Milan, Napoli iyo Sevilla, laba kamid ah ayaa heshiis amaah ah u bandhigay Gunners.
24-sano jirkaan uma ogolaan Mikel Arteta inuu ku soo bilowdo line-upka kooxdiisa xili ciyaareedkaan, laakiin wuxuu bedel kusoo galay kulamo badan.