Kylian Mbappe ayaa dhaleecayn loo jeedinayaa ka dib guuldaradii 3-1 ee Real Madrid ka soo gaartay AC Milan ee Champions League, taasoo muujisay dhibaatadiisa joogtada ah.
Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa kaliya dhaliyay hal gool lixdii kulan ee ugu dambeeyay,waxana uu haatan rikoorkiisa gool la’aanta ah uu gaaray seddex kulan. Inkasta oo uu si firfircooni leh ugu laaday 8 darbo goolka, haddana ma uu dhalin wax gool ah waxana uu sidoo kale lumiyay kubad haysashada in kabadan siddeed jeer. Guuldaradan ayaa timid kadib qaab ciyaareed liita uu soo bandhigay kulankii El Clasico ee ay 4-0 ku garaacday Barcelona.
Dadka dhaleeceeya ayaa si isa soo taraysa su’aal uga keenaya doorka Mbappe ee ah lambarka 9-aad ee kooxda Real Madrid. Dad badan oo uu ku jiro halyeeyga Real Madrid Karim Benzema, ayaa aaminsan in Mbappe uu ku wacan yahay ka ciyaarista garabka bidix. Si kastaba ha ahaatee, booskaas waxaa ka ciyaara Vinicius Junior, kaasoo hadda ku jira qaab ciyaareed wanaagsan oo haysta safka koowaad. Tani waxay kooxda ku riixeysaa xaalad adag, iyadoo Mbappe uu ku dhibtoonayo inuu la qabsado booska weerarka dhexe.
Weriyaha RMC ee Daniel Riolo ayaa si gaar ah u hadlay, isagoo sheegay in Carlo Ancelotti uu “maxbuus u yahay Mbappe” isagoo ku qasban inuu ciyaarsiiyo Mbappe. Riolo ayaa ku adkeysanaya in Mbappe uusan ku habooneyn inuu No.9 uu noqdo waxaana uu ku dooday inuu ka ciyaaro bidix ama la dhigo kursiga keydka. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Ancelotti ay tahay inuu qaato go’aan adag si uu kursiga keydka u dhigo Mbappe hadii uusan ku habooneyn booska garabka bidix.
Riolo oo hadalkiisa sii wata ayaa dhaleeceeyay qaabka hadda loo wajahayo, isagoo xusay in Real Madrid ay heysato dookha weerarka dhexe ee Rodrygo, kaasoo ay tahay in uu ciyaaro. Waxa uu aaminsan yahay in kooxda si ay dib ugu soo ceshato dheelitirka, Ancelotti wuxuu u baahan yahay inuu qaado mas’uuliyadda oo uu qaato go’aano geesinimo leh. Sii wadida la’aanta weeraryahan dhexe oo sax ah waa mid aan sii jiri karin waxayna caqabad ku noqon kartaa guusha kooxda.
Saxafiga ayaa sidoo kale soo jeediyay in hadii Real Madrid aysan xalin karin dhibaatadan xeeladeysan, ay calaamad u noqon karto dhamaadka horumarka kooxda ay haatan ku jirto.
Ancelotti ayaa u muuqda mid wareersan boosaska lakala ciyaarsiin karo Mbappe iyo Bellingham taasoo culeys badan ku keentay guulaha kooxda.