Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Tottenham ee Son Heung-Min ayaa farriin u diray ciyaartoyda kooxdiisa ka hor kulanka adag ee Arsenal ee toddobaadkan, waxaanu u sheegay in laga doonayo inay dhabarka ka jabiyaan kooxda ay xafiiltamaan ee Gunners oo ay guul-darro u xambaariyaan.
Son Heung-Min ayaa waxa uu doonayaa in Tottenham ay noqoto kooxda Arsenal ka joojinaysa inay ku guuleysato horyaalka Premier League, maadaama ay yihiin kooxo isku magaalo ah oo uu xafiiltan weyn ka dhexeeyo.
Tottenham oo iyaduna kaalinta afraad ee horyaalka Premier League u dagaallamaysa ayaa waxa ay la ciyaari doontaa Arsenal, Liverpool iyo Manchester City, waxaana lagu tilmaamay inay tahay kooxda go’aaminaysa naadiga ku guuleysanaya horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.
Son Heung-Min oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi: “Tijaabo adag ayay innaga (Tottenham) inoo tahay. Waxaynu nahay koox ciyaartoydeedu aad u da’ yar yihiin, woxoogaana khibraddu way innagu yar tahay sababtoo ah waxay kooxdu dhisaysaa ciyaartooyo da’yar ah oo khibraddoodu cusub tahay.
“Ciyaartoyda qaarkood waa xilli-ciyaareedkoodii koowaad ee Premier League, sidaa daraadeed waxa aanu naftayada ku tijaabinaynaa kooxaha ugu waaweyn Yurub iyo Premier League, adduunyaduna waa sidaa.”
Son oo la hadlayey ciyaartoyda kooxdiisa ayaa yidhi: “Waxa muhiim ah sida aynu u ciyaarayno. Waa in aynu ku dhegno qaab-ciyaareedkeenna. Waa imtixaan aad iyo aad muhiim u ah. Waxaynu la ciyaaraynaa mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan adduunyada waqtigan (Arsenal), markaa waa in aad si wanaagsan u tartantaan, mar walban aad noqotaan kuwo diyaar u ah inay waajahaan kooxaha ugu wanaagsan adduunyada.”
Waxa uu Son Heung-Min intaa kusii daray: “Si adag ayaanu u shaqaynaynaa. Waxa nagu soo waajahan toddobaad weyn oo aanu u diyaar-garoobayno ciyaartan weyn (Arsenal), waxaananu dareemaynaa in aanu xaalad fiican ku jirno, waana ciyaar uu isha ku hayo qof walba.
“Waa Derby weyn, waananu ognahay qiimaha ay ciyaartani u leedahay kooxdayada iyo taageereyaasha. Markaa waa in aanu si fiican iskugu diyaarino oo aanu qaabkayaga ku ciyaarno.”