Finalka Carabao Cup ayaa waxa Axadda wada ciyaaraya Liverpool iyo Chelsea oo midkood uu koobka calfan doono, waxayse taageereyaasha labada kooxood isasii weydiinayaan lacagta ay heli doonto kooxda ku guuleysata Koobka.
Liverpool iyo Chelsea ayaa finalkii 2022 ee garoonka Wembley iskugu soo baxay, waxaana rikoodheyaal ku badisay Liverpool oo uu halyeygeeda noqday goolhaye Kelleher oo haddana kusoo bilaaban doona maadaama uu dhaawac yahay Alisson Becker.
Ciyaartan oo bilaabmi doonta abbaaro 3:00pm waqtiga UK oo noqonaysa 6pm waqtiga Geeska Afrika, ayaa waxa ay Liverpool ku timid finalka markii ay kasoo adkaatay Fulham, halka Chelsea ay finalka kusoo gaadhay xasuuq 6-1 ahaa oo ay u geysatay Middlesbrough.
Jurgen Klopp oo ay tahay xilli-ciyaareedkiisii ugu dambeeyey ee uu tababaro Liverpool oo uu bisha June ka tegayo, ayaa waxa uu doonayaa in uu koobka Carabao Cup fure u noqdo halganka uu ugu jiro inuu sharaf iyo koobab kusii macasalaameeyo taageereyaasha Reds, laakiin Mauricio Pochettino ayaa isaguna doonaya in koobkani uu noqdo midka niyadda u dhisaya ciyaartoydiisa si ay ugu dagaallamaan inay ka baxaan xaaladda xun ee ay ku jiraan.
Si kastaba, koobkani ma xambaarsana lacag badan, waxaana kooxda ku guuleysata la siin doonaa £100,000 Gini oo kaliya, halka kooxda kalena ay heli doonto £50,000 Gini.
Lacagtani waxay 20 jeer ka yar tahay lacagta la siiyo kooxda ku guuleysata FA Cup oo loo shubo £2 milyan oo Gini.
Kooxaha kasoo gudbay wareeggii koowaad ayaa waxa la siinayey £5,000, wareeggii labaadna £7,000 Gini, halka kooxaha semi-finalka soo gaadhayna la siinayey min £25,000 Gini.