Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Manchester United, Paul Scholes, ayaa sheegay in kabtanka hadda kooxda Chelsea, Reece James uusan laheyn calaamad kabtanimo.
Sheekadan waxay timid ka dib markii macalinka Chelsea Enzo Maresca uu su’aal galiyay tayada hogaaminta ee James.
Maresca ayaa sheegay inuu wax badan ka filayay daafaca England tan iyo markii uu yimid kooxda Stamford Bridge bishii July.
James, oo Chelsea ku sugnaa tan iyo lix jirkiisii, ayaa loo magacaabay kabtanka kooxda ka hor ololihii 2023-24 ka dib markii uu kooxda Bules ka tagay halyeyga Cesar Azpilicueta.
Scholes, oo ka hadlayay arintaan, ayaa sidoo kale sheegay in Cole Palmer uusan lahayn shaqsiyadda uu ku noqon karo kabtanka Chelsea.
Waxa uu yiri: “Waan xusuustaa markii Reece James la magacaabay, waxaan qiyaasay isagu inuusan laheyn masuuliyad kabtan, way muuqataa taas hadda ayuu hadalkiisa raaciyay Scholes.
Wuxuu u muuqdaa mid aamusan oo xishood badan. gabi ahaan uma qalmo mana lahan sifadii looga baahnaa kabtanka kooxda kubbadda cagta ee Chelsea.
“Sidookale haleyeyga Man Utd ayaa galay ka hor kulanka Chelsea iyo kooxdiisii hore Cole Palmer isagoo yiri waa jilaa weyn, dadku siday u arkaan uma arko aniga.