Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Chelsea, John Obi-Mikel, ayaa ku dhaleeceeyay weeraryahanka Arsenal Kai Havertz inuu ixtiraam darro markasta u muujiyo taageerayaasha kooxda Blues.
Xidigii hore ee khadka dhexe ee daafaca kaga ciyaari jiray Chelsea ayaa si caro leh kaga hadlay dhacdo uu ku lug lahaa xiddiga heerka caalami ee dalka Germany kulankii ay Gunners barbaraha 1-1 ku gashay Stamford Bridge.
Havertz, ciyaaryahankii hore ee Chelsea, ayaa aad ugu dabaaldegay gool uu dhaliyay isagoon xitaa wax dareen ixtiraam leh u muujin kooxdiisii hore, inkastoo goolkaas la diiday mardambe.
Laacibka Jarmalka, ayaa guuxa taageerayaasha Stamford Bridge ugu jawaabay, aamusin deg deg ah isagoo gacanta afka saartay, waxayna aheyd ixtiraam daro sida uu aaminsan yahay Obi- Mikel.
Obi-Mikel ayaa sheegay in ciyaaryahanku uu ahaa mid ixtiraam darran, oo aan qiimeyn jamaahiirta kooxdii uu u ciyaari jiray.
Chelsea wuxuu kula guuleystya Champions League iyo Koobka Kooxaha Adduunka Havertz, ka hor inta uusan ku biirin Arsenal oo uu hadda muhiim u yahay weerarkeeda.
Markii aan u ciyaarayay Chelsea, ma aanan ahayn ciyaartoyga loogu jecel yahay kooxda, qaar ka mid ah taageerayaasha ayaan ii qaddarin sidii la rabay, Laakiin taasi igama joojin inaan jeclaado naadiga oo aan shaqadeyda qabsado ayuu yiri Obi-Mikel.