“Horumar baa jira” – Virgil van Dijk oo shaaca ka qaaday in is-maandhaafkii qandaraaskiisa Liverpool uu dhammaaday, balse weli ka caga jiidaya inuu mustaqbalkiisa u huro kooxda.
Virgil van Dijk ayaa xaqiijiyay in murankii ku saabsanaa qandaraaskiisa Liverpool uu hadda dhammaaday isla markaana ay jirto “horumar” laga gaaray wadahadallada kordhinta qandaraaskiisa.
Qandaraaska kabtanka Liverpool Van Dijk ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo sidoo kale Trent Alexander-Arnold iyo Mohamed Salah ay la mid yihiin. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayay in Van Dijk uu sii joogo kooxda Merseyside, inkasta oo wali heshiis rasmi ah aan la gaarin.
Van Dijk iyo Liverpool ayaa muddo ku jiray is-faham la’aan la xiriirta qandaraas cusub, balse kabtanka kooxda ayaa haatan sheegay in wadahadalladii dib loo furay — inkastoo uusan si cad ugu dhawaaqin inuu sii joogi doono kooxda.
Isagoo la hadlayay warbaahinta, Van Dijk wuxuu yiri:
“Haa, horumar wuu jiraa. Ma garanayo (haddii aan sii joogi doono), waannu arki doonnaa. Dhagayso, waa arrimo gudaha ah, waana arki doonnaa sida ay wax u dhacaan.”
“Waan jeclahay kooxda, taageerayaashana waan jeclahay. Mar kale ayay na garab istaageen waxaana doonaynay inaan abaal marinno, laakiin waxaan rajeynayaa inay soo noqdaan Axadda oo ay garoonka ka dhigaan meel cajiib ah sida caadada. Waa in aan ka dhigno wax shaqeynaya – waana ka shaqeyn doonaa.”