Virgil van Dijk ayaa dhaleeceeyay garsooraha kadib markii Liverpool ay barbaro 2-2 la gashay Fulham, kulan muran badan dhaliyay oo ka dhacay Anfield.
Liverpool, oo sagaal ciyaartoy ku dhameysatay ciyaarta, ayaa ku guuleysatay inay dhibic ka helaan ciyaar xiiso leh oo uu cadaadis saarnaa. Andreas Pereira ayaa Fulham hogaanka u dhiibay 11 daqiiqo gudahood kadib markii Issa Diop uu ka badbaaday kaarka cas khalad halis ah oo uu galay, ka hor inta aan Andy Robertson loo taagin casaan markii uu Harry Wilson ka joojiyay kubad halis ah.
Kadib ciyaarta, kabtanka Liverpool, Van Dijk, ayaa si kulul uga hadlay garsoore Tony Harrington, isagoo ku eedeeyay inuu ahaa mid “kacsan” isla markaana aan awoodin inuu si wanaagsan ula xiriiro ciyaartoyda.
“Waxaan wada hadal la yeeshay ciyaartoyda Fulham, waxaana dareemeynay in garsooruhu kacsanaa,” Van Dijk ayaa yiri, sida laga soo xigtay Daily Mail.
“Ma uusan awoodin inuu si sax ah ula xiriiro Robertson, sidaan dareemay.
“Si kastaba ha ahaatee, ma aha inaan garsooraha ku eedeyno dhibcaha aan luminay. Waa inaysan noqon wax weyn sababtoo ah isaga kuma aynaan weydaamin dhibcaha.
Natiijada ayaa ka dhigtay in Liverpool ay shan dhibcood ku hayso hogaanka horyaalka Premier League, inkastoo Chelsea fursad u haysato inay farqiga hoos u dhigto labo dhibcood haddii ay guul ka gaaraan Brentford Axadda.