Virgil van Dijk ayaa u sheegay garsoore Michael Oliver in uu lumiyay xakamaynta kulankii xasaasiga ahaa ee Merseyside derby.Van Dijk ayaa ku jeesjeesay Everton iney u ciyaartay kulanka sidii ‘final.
Liverpool waxay ku sigatay inay sagaal dhibcood ku qabato hoggaanka Premier League ka dib markii Mohamed Salah uu dhaliyay gool iyadoo keliya 14 daqiiqo ay ka harsan tahay dhamaadka ciyaarta, kulankii ugu dambeeyay ee Goodison Park ka hor inta aysan Everton u guurin garoonkooda cusub xagaagan.
Laakiin James Tarkowski ayaa dhaliyay goolka barbaraha daqiiqadihii ugu dambeeyay ee wakhtiga dheeriga, taasoo dhalisay dabaaldegyo waaweyn oo ay sameeyeen taageerayaasha garoonka joogay.
Markii seeriga ciyaarta la afuufay, xaalada ayaa mar kale qasantay kadib markii Abdoulaye Doucoure uu ku dabaaldegay taageerayaasha Liverpool hortooda, isagoo aamusiinaya taageerayaasha martida.
Curtis Jones ayaa si degdeg ah ugu orday dhinaca khadka dhexe ee Everton, taasoo dhalisay isku dhac weyn oo dhex maray labada kooxood. Doucoure iyo Jones labadaba waxaa la siiyay kaadh cas ciyaarta kadib, iyadoo sidoo kale tababaraha Liverpool Arne Slot iyo caawiyihiisa Sipke Hulshoff loo taagay kaadh cas.
Tan iyo markii David Moyes uu ku soo laabtay Everton, kooxda ayaa ka baxsatay aagga qeybta hoose, iyagoo hadda 10 dhibcood ka sareeya saddexda kooxood ee ugu hooseeya.
Laakiin kadib ciyaarta, kabtanka Liverpool Virgil van Dijk ayaa weerar afka ah ku qaaday kooxda ay xafiiltamaan.
“Waxay sameeyaan isla waxyaabihii ay had iyo jeer sameeyeen,qaab darro bay u ciyaaraan,waa dagaal iyo dood socota” ayuu u sheegay TNT Sport.
“Dabcan, dhammaan waan ognahay in tani ay tahay final-kooda, waxayna sameyn doonaan wax kasta oo ay awoodaan si ay noogu adkeeyaan oo ay guul u gaaraan.
“Waaxaan aragnay sida ay noogu adkeeyeen, sanadkan waxaad arkaysaa inay gool dhaliyeen dhamaadka ciyaarta. Waa dhiirigelin weyn oo ay heleen laakiin naftayada dhirbaaxo weyn ayey nagu tahay.”
Ciyaarta Arbacadii waxaa la bixiyay siddeed kaadh oo huruud ah, iyadoo Liverpool ay ka caroodeen in goolka barbaraha ee Everton la ansixiyay, iyagoo aaminsan in Ibrahima Konate la jabiyay ka hor inta uusan Tarkowski dhalin goolka.