Daafaca kooxda Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa fariin dhiirrigelin ah u diray taageerayaasha Reds kahor kulamada ugu dambeeya ee xilli-ciyaareedka, isagoo si gaar ah uga hadlay kulanka adag ee Merseyside Derby.
Van Dijk ayaa bartiisa rasmiga ah kusoo qoray:
“Sagaal kulan oo waa weyn ayaa noo haray, waxaana ku bilaabaynaa Merseyside Derby oo ka dhacaya Anfield xilli habeen ah. Waa fursad qumman. Aan u dagaallano si wadajir ah!”
Liverpool ayaa weli ku jirta loollanka horyaalka Premier League, iyagoo doonaya inay guulo gaaraan si ay u hantaan koobab waaweyn xilli-ciyaareedkan. Ciyaarta Merseyside Derby ee ay la leeyihiin Everton waa mid muhiim u ah rajadooda hanashada horyaalka.
Taageerayaashu waxay rajeynayaan in kabtankoodu hoggaamin doono kooxdiisa si ay guulo muhiim ah u gaaraan, iyagoo weli ku rajo weyn hanashada Premier League iyo tartamada kale ee ay ku jiraan.
Waxey u muuqataa in Van dijk uu aad u daneynayo inuu sii joogo kooxda liverpool walow ay jiraan kooxo u muujiyay xiiso gaar ah.