Vinícius ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in garsoorayaasha Champions League ay si fiican u ilaaliyaan ciyaartoyda marka loo eego kuwa ka howl gala horyaalka Spain, halkaas oo Real Madrid ay si weyn ugu dhaliishay maamulka garsoorka.
“Yurub, garsoorayaashu waxay si fiican u difaacaan ciyaartoyda madadaalada sameeya,” ayuu yiri Vinícius.
“Taasi waa arrin muhiim noo ah, in la ciqaabo ciyaartoyda na bartilmaameed sada ee na laaya. Ma jeclin inaan ka hadalno garsoorayaasha, laakiin dabcan waa muhiim.
“Garsoorayaashu ma bixiyaan kaadh huruudi ah marka aan cabanayo, aniga ayaa la ii taagaa kaadhka huruudiga marka hore… Waxaan sameeyaa waxyaabo badan oo aanan habboonayn, laakiin waxaan u maleynayaa inaan is difaacayo, waxaan ahay mid deggan. Dadku waxay illoobaan inaan kaliya ahay 24 jir.”
Vinícius ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in kooxda Real Madrid ay ahayd midda go’aansatay inay qaadacdo xafladda abaalmarinta Ballon d’Or 2024 kaddib markii la ogaaday inuu kaalinta labaad ka galay tartanka abaalmarinta ragga, isagoo ka gadaal maray xiddiga Manchester City, Rodri.
“Waxaan sameeyaa waxa kooxda ay igu amarto,” ayuu yiri Vinícius.
“Kooxdu waxay iga codsatay inaan joogo Madrid oo aanan aadin xafladda, aniguna waan joogay.”