Weeraryahanka Real Madrid, Vinicius Jr, ayaa sheegay inuu haatan joogo heerkiisa ugu fiican. Xiddiga reer Brazil ayaa xilli ciyaareed wanaagsan ku qaadanaya Los Blancos, isagoo dhaliyay 17 gool isla markaana caawiye ka noqday 12 gool 35 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.
Sagaal kamid ah goolashaasi iyo toddobo caawinaad ayaa yimid 20 kulan oo La Liga ah.
“Hadda ayaan joogaa heerkeyga ugu fiican. Waxaan qabay dhaawacyo. Markaad ciyaareyso kulamo badan, ma noqon kartid 100% dhammaantood,” ayuu yiri Vinicius shir jaraa’id oo uu ka hadlay.
Real Madrid ayaa 2-1 ku garaacday dariskooda, iyagoo faa’iido yar u haysta lugta labaad oo dhici doonta toddobaadka soo socda.
“Markaad ciyaareyso 80 kulan, mar walba ma joogtid heerkaaga ugu fiican. Mar walba maskax ahaan ma wanaagsanid, jir ahaan ma fiicnid. Ciyaartoy badan ayaa la ciyaaraya dhaawacyo,” ayuu sii raaciyay.
“Waxaan u maleynayaa in xilli ciyaareedkeygu uu si wanaagsan u socdo. Waa caadi in dadku iga dalbadaan wax badan si aan wax badan u sameeyo. Laakiin hadda waa wakhtiga go’aaminaya xilli ciyaareedka. Madrid ahaan waxaan si fiican u ciyaarnaa marka la gaaro marxaladdan xilli ciyaareedka,” ayuu intaas ku daray.
Real Madrid ayaa 2-1 guuldarro ah kala kulantay Real Betis kulankii ugu dambeeyay ee La Liga toddobaadkan.