Vinicius Jr ayaa fariin taariikhi ah u diray Cristiano Ronaldo kadib markii xiddiga Al-Nassr uu dhaliyay labo gool kulankii adkaa ee ay kooxdiisu garaacday Al-Hilal.
Ronaldo ayaa mar kale iftiimay horyaalka Sacuudiga isagoo laba gool u dhaliyay kooxdiisa Al-Nassr kulankii xiisaha lahaa ee derby-ga magaalada Riyadh, taasoo ku dhammaatay 3-1 ay ku badiyeen Al-Nassr. Goolashaas ayaa yimid mid ka dib waqtiga nasashada iyo mid goor dambe ah, taasoo kooxda u dhoweysay Al-Hilal oo hogaanka haysa, farqiguna uu noqday saddex dhibcood oo keliya – taasoo rajo cusub gelisay tartanka horyaalka.
Kadib bandhiggiisa cajiibka ahaa, Ronaldo ayaa bartiisa Instagram ku daabacay sawirro uu ugu dabaaldegayo guusha wuxuuna kusoo qoray: “RIYADH WAA JAALLE IYO BULUUG!”
Kumanaan taageerayaal ah iyo ciyaartoy kale ayaa falcelin ka bixiyay qoraalkiisa, waxaana ugu dambeyntii fariin gaar ah u reebay xiddiga Real Madrid ee reer Brazil, Vinicius Jr, oo yiri: “Halyeygeena!!” isagoo si cad u muujiyay sida uu Ronaldo uga yahay dhiirrigelin.
Vinicius Jr waligiis ma uusan qarsan jacaylka iyo qadarinta uu u hayo Ronaldo, waxaana hadalkiisii ugu dambeeyay uu markale muujiyay ixtiraamka qotada dheer ee uu u hayo ciyaaryahanka reer Portugal.
Ronaldo ayaa xaq u leh ammaan kasta, maadaama uu mar kale gaaray rikoor kale oo la yaab leh – isagoo dhaliyay in ka badan 20 gool oo horyaal ah xilli ciyaareedkii 15-aad ee xirfadiisa.