Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga, kaddib guul soo-laabasho ah oo ay kasoo gaadhay Las Palmas oo ay marti u ahayd, taas oo keentay inay laba dhibcood dhaafaan Girona oo kaalinta labaad u dhacday.
Laba gool oo ay kala dhaliyeen Vinicius Junior iyo Aurelien Tchouameni ayaa Real Madrid siiyey saddex dhibcood oo muhiim ah, iyagoo meesha ka saaray gool uu bilowga qaybta labaad kaga nixiyey Javi Munoz.
Ciyaartan oo qaybtii hore ay Real Madrid ku dhibaatootay garoonka, isla markaana ay Las Palmas kubadda haysay ayuu Carlo Ancelotti kusoo bandhigay khibraddiisa isagoo qaybtii labaad xeelad ku beddelay ciyaarta isla markaana beddello uu sameeyey ay isbeddelka ku keeneen safkiisa.
Qaybta hore ayay labada kooxoodba awoodi waayeen inay wax goolal ah kala dhaliyaan, iyadoo Vinicius Junior uu kooxdiisa ka khasaariyey kubbad uu goolka la hortegay oo uu isku dayay inuu goolhayaha ka dul-qaado laakiin uu awoodi waayey inuu ka dallaco.
Siddeed daqiiqadood iyadoo qaybta labaad socota ayay kooxda garoonkeeda joogtay ee Las Palmas ay u dabbaal-degtay gool uu Munoz dhulka kubadda u raaciyey goolhaye Lunin oo bandhig fiican sameeyey.
Kubad meel fog laga soo tuuray oo uu garabka midig kala soo galay Sandro ayuu xerada ganaaxa ugu dhiibay Munoz oo isaguna hal taabasho ku dhamaystiray.
Real Madrid oo la dareemayay inay tebayso Jude Bellingham oo ganaax kaga maqnaa, ayaa shan daqiiqadood kaddib goolka Las Palmas, waxa gool u dhaliyey Dani Carvajal hase yeeshee VAR oo laga soo hubiyey ayaa diidday goolkaas.
Carlo Ancelotti ayaa laba beddel sameeyey si uu u firfircoonaysiiyo kooxdiisa, waxaana uu keenay Fede Valverde iyo Joselu oo beddelay Brahim Diaz iyo Dani Ceballos oo aad u liitay, waxaanay labadan ciyaartoy tamar cusub siiyeen ciyaartoyda Real Madrid oo awooday inay laba gool la yimaaddaan.
Eduardo Camavinga ayaa kubbad uu difaacyahannada ka dul-qaaday waxa xerada ganaaxa ku maamulay Vinicius Junior oo darbad xooggan oo lugta bidix ah ku toogtay goolka oo tallaabooyin u jira, sidaana ciyaarta kaga dhigay 1-1.
Laacibka reer Brazil ee Vinicius Jr ayaa mar kale kubbad goolka hortiisa loo dhigay, waxaana uu ka dul-qaaday goolhayaha laakiin way ka fogaatay, halka kubbad kale oo uu garabka midig kala soo galay oo uu dersin difaacyahanno ah u gooyeyna laga leexiyey goolka.
Aurelien Tchouameni ayaa kursiga kaydka uga soo kacay si uu guul ugu go’aamiyo kooxdiisa, waxaana kubbad koorne ahayd oo uu soo tuuray Toni Kroos uu ku qabtay madax awood badan oo uu shabaqa ku hubsaday dhamaadka ciyaarta oo ay lix daqiiqadood ka hadhsan tahay.
Tchouameni ayaa goolka dhaliyey isaga oo saddex daqiiqadood oo kaliya garoonka ku jiray, waana goolkiisii labaad ee xilli-ciyaareedkan uu u dhaliyo Real Madrid.
Laacibka reer Turkey ee Arda Guler oo beddel kusoo galay ayaa lumiyey fursad dahabi ahayd, kaddib markii kubbad loo dhigay meel cidlo ah oo uu si fiican u maamuli waayey, waxaana kasoo gaadhay goolhayaha oo kusoo orday, sidaana kaga badbaadiyey.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay hoggaanka LaLiga la wareegtay oo ay haysato 54 dhibcood, halka Girona oo labaad u dhacday ay leedahay 52 dhibcood, kaalinta saddexaadna waxa ku jirta Barcelona oo haysata 44 dhibcood laakiin la ciyaaraysa Villarreal oohaddii ay badiso mar kale toddoba dhibcood usoo jirsan doonta Madrid.