Sporting oo Diyaar u ah Inay Viktor Gyökeres Ku Iibiyaan Qiimo Ka Hooseeya qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa, Arsenal iyo Man United oo Xiiseynaya.
Kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay weeraryahankooda Viktor Gyökeres ku iibiso qiimo ka hooseeya qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa sida ay warinayso The Sun.
Weeraryahanka reer Sweden ayaa la filayaa inuu ka tago Portugal xagaagan, iyadoo labada koox ee Premier League, Arsenal iyo Manchester United, ay si weyn u xiiseynayaan inay helaan saxiixiisa.
Gyökeres ayaa noqday mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican Yurub xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 43 gool 43 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedka 2024–25.
Ciyaaryahankan ayaa haatan qandaraas kula jira Sporting ilaa sanadka 2028, waxaana heshiiskiisa lagu burburin karaa £85 milyan.
Inkasta oo uu xiiso weyn ka helay kooxo badan intii lagu jiray suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, Gyökeres ayaa doortay inuu kooxda sii joogo si uu u dhameysto xilli ciyaareedka.
Iyadoo loo abaal gudayo daacadnimadiisa iyo go’aankiisa inuu kooxda sii joogo xilligii ay baahidu badnayd, Sporting ayaa haatan diyaar u ah inay ogolaato bixitaankiisa iyadoo aqbaleysa dalab u dhexeeya £55 milyan ilaa £70 milyan.