Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk oo beeniyay wararka la xiriirinaya Real Madrid
Xiddiga heer caalami ee Netherlands ayaa bandhig cajiib ah sameeyay kulankii ay Reds 2-0 kaga badiyeen Real Madrid ee tartanka UEFA Champions League ee ka dhacay Anfield.
Van Dijk ayaa hoggaamiyay daafaca kooxdiisa, isaga oo xalay helay guushiisii ugu horreysay abid ee uu ka gaaro kooxda difaacaneysa horyaalka Yurub.
Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalkiisa fog ee Merseyside ayaa weli ah mid aan la hubin, maadaama qandaraaskiisu uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedka 2024/25.
Wakiillada Van Dijk ayaa wadahadallo kula jira kooxda liverpool si loo gaaro heshiis cusub, laakiin weli ma jiro wax heshiis ah oo la gaaray.
Daafaca khibradda leh ayaa su’aalo uga jawaabayay saxaafadda El Chiringuito oo ka waraystay suurtogalnimada uu 2025 ugu wareegi karo Real Madrid si xor ah, laakiin wuxuu caddeeyay inuusan wax go’aan ah ka bixin karin arrintaas.
“Real Madrid daafac ma u baahan tahay? Laakiin [Antonio] Rudiger ayaa halkaas joogee, sax soo ma aha? Waxaan si buuxda diiradda u saarayaa kulanka Manchester City ee usbuucan, mana jiro wax kale oo aan ka dhihi karo mustaqbalkayga,” ayuu yiri.
Wadahadallada ayaa laga yaabaa inay sii socdaan ilaa bilowga 2025 – xilligaas oo Van Dijk uu u qalmi doono inuu wadahadallo xor ah la furo kooxaha ka baxsan England – laakiin wuxuu doorbidayaa inuu sii joogo Merseyside.