Halyeeyga Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa ku dhiirrigeliyay kooxdiisii hore inay amaah ku keento Victor Osimhen inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee bishan January.
Sida uu sheegay Ferdinand, Osimhen wuxuu ka caawin doonaa Rasmus Hojlund iyo Joshua Zirkzee inay wax ka bartaan maadaama labada weeraryahan aysan wali soo bandhigin qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa Old Trafford.
Waxaa jiray baaqyo ku aaddan in Man United ay soo iibsato weeraryahan sare ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga xirmin maalmaha soo socda.
Hojlund iyo Zirkzee ayaan wali buuxin rajadii laga qabay, waxaana Ferdinand uu ku booriyay kooxda Red Devils inay si degdeg ah ula soo wareegaan Osimhen.
“Waxaan si dhow u daawaday Hojlund labadii kulan ee ugu dambeeyay… wax walba uma sahlana,” ayuu Ferdinand ku yiri kanaalkiisa YouTube.
“Waxaan hada la iman lahaa Osimhen haddii aan dhaqaale ahaan awoodno. xitaa amaah ayaan ku keeni lahaa hadda!
“Waa ciyaaryahan dammaanad qaadi kara inuu goolal dhaliyo, khibrad leh, heerka ugu sarreeya wacdaro ka sameeyay.
“ Hojlund wuxuu ahaa ciyaaryahan £70m lagu soo iibsaday, waxaan filaynay inuu noqon doono mid dhameystiran. Nasiib darro [taasi ma dhicin]. Wuxuu weli yahay weeraryahan da’yar laakiin caadiyan ciyaaryahan noocaas ah wuxuu ku yimaadaa si uu uga barto wax qof khibrad leh. Haatan ma haysto qof uu wax ka barto.
“Wuxuu fiirinayaa [Joshua] Zirkzee oo la mid ah isaga. Labadooduba waxay u baahan yihiin qof tuso waxa ay tahay in lagaa filayo inaad noqoto lambarka 9-aad ee Manchester United.”