Halyeygii Liverpool iyo xulka qaranka Germany ee Didi Hamann ayaa weerar ku qaaday saxeexyadii cusbaa ee ay samaysay Arsenal xagaagii, kuwaas oo uu sheegay in ay aad uga hooseeyaan tayo ahaan sidii markii hore la moodayey.
Arsenal oo Arbacadii ka hadhay tartanka Champions League oo ay Bayern Munich 1-0 kaga adkaatay iyagoo lugta hore ee wareegga siddeedda ee ka dhacday Emirates Stadium ay barbarro 2-2 ah ku kala baxeen, ayaa waxa ay maanta dib ugu soo laabanaysaa horyaalka Premier League oo ay waajahaysaa Wolves.
Didi Hamann oo la hadlay warbaahinta, ayaa waxa uu sheegay in saddexda ciyaartoy ee ay Arsenal la saxeexatay xagaagii ee David Raya, Delcan Rice iyo Kai Havertz aanay kooxda ku yeelanin saamayntii la filayey, isla markaana tayadoodu aanay gaadhsiisnayn heerka ay dadka qaarkood ku sheegayaan.
“Waa in aad is-weydiisaan, kooxdani miyey ku guuleysan karaysaa koobab waaweyn inkasta oo aynu ognahay in ay yihiin koox ay ciyaartoydeedu da’ yar tahay.” Ayuu ku bilaabay Didi Hamann, waxaanu sii raaciyey: “Difaacoodu aad ayuu u wanaagsan yahay, laakiin ma hubo goolhayahooda. Ilama aha inay koobab waaweyn ku guuleysan karayaan iyagoo haysta goolhayaha oo ay muuqato in aanu kalsooni lahayn.
“Xahaka ayaa ka tegay oo xilli-ciyaareed fiican ku qaadanaya Leverkusen, waxay soo qaateen Declan Rice oo ay dadka qaarkood ku tilmaamayeen dhaxda ugu wanaagsan Yurub, laakiin wali ma aanaan arag.”
Waxa kale oo uu saluugay Kai Havertz oo uu xusay in aanu gaadhsiinayn heerkii la filayey.