Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ugu dambayntii u muuqata in ay ku guuleysanayso saxeexii ay sannadaha raadinaysay ee Kylian Mbappe oo qandaraaskiisa Paris Saint-Germain uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda.
Real Madrid ayaa la sheegay in ay qarka u saaran tahay Mbappe oo ay ku raad-joogtay illaa sannadkii 2018 waqtigaas oo uu laacibkani u wareegay PSG oo lacag ka badan 180 milyan oo Euro kaga iibsatay AS Monaco, iyadoo sannad amaah ah uu markii hore ku tegay Parc des Princes, kaddibna heshiiskiisa ay mid rasmi ah u beddeleen.
25 jirkan oo 286 ciyaarood oo uu u saftay PSG tan iyo xilli-ciyaareedkii 2017-18 u dhaliyey 240 gool iyo 104 kale oo uu caawiye ka noqday, ayaa ah ciyaartoyga ugu hadal-haynta badan suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January.
Qandaraaskiisa PSG ayay ka hadhsan yihiin lix bilood oo kaliya, waxaanu xor u noqon doonaa inuu ka tago Parc des Princes marka la gaadho bisha July ee sannadkan aynu ku jirno, iyadoo Real Madrid ay tahay kooxda aadka loola xidhiidhinayo.
Warbaahinta waddanka Faransiiska ayaa saacadihii u dambeeyey, waxa ay sheegaysay in Real Madrid ay qarka u saaran tahay heshiiska Kylian Mbappe, isla markaana ay wakiilkiisa oo ah hooyadii Faiza ay wada-xidiidheen, islana meel-dhigeen waxyaabo badan.
PSG Talk ayaa iyaduna sheegtay, in heshiis mabda’ ah ay wada-gaadheen Kylian Mbappe iyo Real Madrid oo ay kooxda reer Spain u diyaarisay inuu xidho No.10 oo uu xagaaga bannaynayo Luka Modric oo ka tegi doona Los Blancos.
Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaa dhinaceeda ku dedaalaysa in ay sii xajisato kabtankeeda oo ay u bandhigtay heshiis afar sannadood ah oo uu isugeyn ku qaadan doono lacag dhan €400 milyan oo Euro.