Difaaca reer England ee Trent Alexander-Arnold ayaa garab maray saaxiibkiisa Liverpool mar la weydiiyey inuu magacaabo ciyaartoyga Premier League ee uu jeclaan lahaa in uu ka garab ciyaaro, waxaana uu soo xushay ciyaartoy lama filaan ku noqonaya jamaahiirta naadigiisa.
Trent Alexander-Arnold ayaa kasoo garab ciyaaray Mohamed Salah, Sadio Mane, Virgil van Dijk iyo xiddigo waaweyn oo ay wadaageen qolka labbiska Liverpool, sidoo kalena waxa uu ka hor tagay Harry Kane, Phil Foden iyo kuwo kale oo ay xulka qaranka Ingiriiska u wada dheelaan.
25 jirkan oo Liverpool kula guuleystay horyaalka Premier League, Champions League iyo koobab kale, ayaa bishii December ku guuleystay abaal-marinta PFA Fan’s Player of the Month, waxaana waraysi uu bixiyey lagu weydiiyey ciyaartoyga uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro.
Trent Alexander-Arnold ayaa isaga oo aan is-dhibin waxa uu sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro halyeygii Arsenal iyo xulka France ee Thierry Henry, kaas oo lagu tilmaamo mid ka mid ah weeraryahannadii ugu fiicnaa ee soo maray horyaalka Premier League.
Sannadkii 1999kii ayay Arsenal kusoo iibsatay Thierry Henry lacag dhan £11 milyan oo Gini iyadoo kasooq aadatay Juventus. Waxa uu u saftay 528 ciyaarood oo uu u dhaliyey 175 gool iyo 74 kale oo uu caawiye ka noqday, waxaana uu kula guuleystay Arsenal laba horyaal oo Premier League ah, laba FA Cup, iyo koobab kale oo maxalli ah oo badan.
Alexander-Arnold oo la filayay inuu xulan doono Steven Gerrard, Michael Owen, Xabo Alonso iyo Fernando Torres oo ahaa halyeeyada Liverpool, ayaa ka doortay Thierry Henry.