Nicolas Jackson, Darwin Nunez iyo xataa Erling Haaland ayaa ka mid noqday tobanka ciyaartoy ee ugu khasaaraha badan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League xilli-ciyaareedkan, balse intoodaba waxa jira ciyaartoy kasii hooseeya oo fursadaha uu lumiyey ay aad uga badan yihiin goolasha uu dhaliyey.
Weeraryahannada Chelsea iyo Liverpool ee Jackson iyo Nunez ayaa ay fartu ku godnayd usbuucyadii ugu dambeeyey, waxaana niyad-jabka kooxahooda loo nisbaynayaa fursadaha ay iyagu khasaariyeen.
Liverpool ayaa la ogsoon yahay inay u dhacday kaalinta saddexaad oo ay quus ka joogto horyaalka Premier League, iyadoo Darwin Nunez oo ah weeraryahankooda dhexe ee ay lacagta badan kasoo bixiyeen uu kulan walba lumiyo fursado badan oo noqon lahaa guulo u go’aamiya guusha.
Sidaas oo kale, Chelsea ayaa la dhibaatoonaysa goolal yaraan sababtoo ah Jackson oo ah weeraryahankooda dhexe, waxa kala batay fursadaha uu luminayo iyo kuwa uu dhalinayo.
Xataa Erling Haaland oo 20 gool oo horyaalka Premier League ah dhaliyey xilli-ciyaareedkan, waxa uu aad uga hooseeyaa sidii uu ahaa xilli-ciyaareedkii hore, waxaana fursadaha uu lumiyey ee noqon lahaa goolashu ay gaadheen 30 fursadood oo waaweyn.
Tobanka ciyaartoy ee ugu fursado khasaarinta badan horyaalka Premier League, waxa kaalinta koowaad kaga jira Dominik Calvert-Lewin oo afka hore uga ciyaara Everton oo Arbacadii dhaliyey goolka labaad ee ay kooxdiisu ka dhalisay Liverpool oo ay ku karbaasheen Goodison Park.
Waakuwan tobanka ciyaartoy ee ugu fursado khasaarinta badan Premier League
10. Keane Lewis-Potter (Brentford)
9. Luis Diaz (Liverpool)
8. Brennan Johnson (Tottenham)
7. Enzo Fernandez (Chelsea)
6. Julian Alvarez (Man City)
5. Erling Haaland (Man City)
4. Beto (Everton)
3. Nicolas Jackson (Chelsea)
2. Darwin Nunez (Liverpool)
1. Dominic Calvert-Lewin (Everton)