Waxa lasoo saaray qiimaynta 25ka xiddig ee khadka dhexe ee ugu fiicnaa taariikhda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana kaalinta koowaad qabsaday oo laga furfuri kari waayey halyeygii Manchester United ee Paul Scholes oo garbiyey xiddigo waaweyn oo la filayay inay kaalmaha sare soo galaan.
Paul Scholes ayaa ahaa mishiinka khadka dhexe ee Manchester United kudhowaad 20 sannadood, waxaana lagu yaqaanay indho-furnaan, adayg, hibo-ciyaareed, laadkiisii awoodda badnaa, bxiinta kubbadaha iyo inuu si sahlan u maamuli jiray kubbadaha xooggan ee loosoo dhiibo.
Markii xilli-ciyaareedkii 2011-12 ay Manchester City horyaalka Premeir League kaga guuleysatay Man United, waxa Scholes uu dib ugu soo laabtay garoomada isaga oo ka fadhiistay kubadda cagta, waxaana uu ka caawiyey tababare Alex Ferguson inay ku guuleystaan horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkii 2012-13, kaddib ayaanu si rasmi ah uga fadhiistay.
25ka ciyaartoy ee khadka dhexe ee ugu wanaagsanaa Premier League, waxa kaalinta labaad kaga jira halyeygii Liverpool ee Steven Gerrard, halka Frank lampard iyo Ryan Giggs ay saddexaad iyo afraad ku kala jiraan.
Kabtanka Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa kaalinta shanaad soo cidhiidhsaday, waxaana uu ka horreeyaa halyeeyadii Arsenal iyo Manchester United ee Patrick Vieira iyo Roy Keane, halka tobanka sare ay dhamaystireen David Silva, Yaya Toure iyo N’Golo Kante.
Halkan kaga bogo 25ka khadka dhexe ee ugu fiicnaa taariikhda Premier League
25. Scott Parker (1997 – 2017)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Charlton Athletic, Chelsea, Newcastle, West Ham United, Tottenham, Fulham
24. Nemanja Matic (2009 – 2011, 2014 – 2017)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Chelsea, Manchester United
23. Gareth Barry (1998 – 2020)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Aston Villa, Manchester City, Everton, West Brom
22Mikel Arteta (2005 – 2016)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Everton, Arsenal
21. Fernandinho (2013 – 2022)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Manchester City
20. Jordan Henderson (2008 – 2023)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Sunderland, Liverpool
19. Luka Modrić (2008 – 2012)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Tottenham
18. Park Ji-Sung (2005 – 2014)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Manchester United, Queens Park Rangers
17. James Milner (2002 – illaa hadda)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Leeds United, Newcastle, Aston Villa, Manchester City, Liverpool, Brighton
16. Michael Carrick (1999 – 2018)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: West Ham, Tottenham, Manchester United
15. Paul Ince (1992 – 1995, 1997 – 2004)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Manchester United, Liverpool, Middlesbrough, Wolves
14. Michael Essien (2005 – 2014)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray:Chelsea
13. Claude Makélélé (2003 – 2008)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Chelsea
12. David Beckham (1992 – 2003)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Manchester United
11. Cesc Fàbregas (2003 – 2011, 2014 – 2019)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Arsenal, Chelsea
10. N’Golo Kante (2015 – 2023)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Leicester City, Chelsea
9. Yaya Toure (2010 – 2018)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Manchester City
8. David Silva (2010 – 2020)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Manchester City
7. Roy Keane (1992 – 2005)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Nottingham Forest, Manchester United
6. Patrick Vieira (1996 – 2005, 2010 – 2011)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Arsenal, Manchester City
5. Kevin De Bruyne (2012 – 2014, 2015 illaahadda)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Chelsea, Manchester City
4. Ryan Giggs (1992 – 2014)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Manchester United
3. Frank Lampard (1995 – 2014, 2014 – 2015)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: West Ham, Chelsea, Manchester City
2. Steven Gerrard (1998 – 2015)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Liverpool
1. Paul Scholes (1993 – 2013)
Kooxaha Premier League ee uu u ciyaaray: Manchester United