Kooxda Liverpool ayaa dib ugu laaban doonta tartanka Premier League bilaawga bisha soo socota, iyadoo hadafkeedu yahay hanashada horyaalka.
Kadib markii ay Kooxda ka hartay Champions League wareeggiisa 16-ka iyo guuldarro 2-1 ah oo ka soo gaartay Newcastle United finalkii Carabao Cup ee Wembley, diiradda Liverpool haatan waxay saaran tahay horyaalka Premier League.
Reds ayaa 12 dhibcood ka sareysa Arsenal waxayna u baahan yihiin 16 dhibcood oo kaliya sagaalkooda kulan ee ugu dambeeya si ay ugu guuleystaan horyaalkooda 20-aad iyo horyaalkoodii labaad ee shantii sano ee ugu dambeysay.
Kooxda Arne Slot waxay dib ugu laaban doontaa garoomada iyagoo la ciyaaraya Everton iyo Fulham, iyadoo ay xasuusan yihiin labadooda kulan hore ee xilli-ciyaareedkan oo ay barbarro 2-2 la galeen labadaan kooxood.
Falanqeynta Opta: Liverpool Waxay Leedahay Fursad 99.13% Ah Oo Ay Ku Qaadayso Horyaalka
Sida ay sheegtay shirkadda falanqeysa tirakoobyada ciyaaraha ee Opta, Liverpool waxay heysataa 99.13% fursad ah oo ay ku qaadi karto horyaalka. Waxaa la saadaaliyay inay heli doonaan ilaa 89 dhibcood, halka Arsenal ay heli doonto oo kaliya 77 dhibcood – taasoo macnaheedu yahay in haddii saadaasha sax noqoto, Liverpool waxay u baahan tahay kaliya 8 dhibcood si ay u xaqiijiso hanashada horyaalka.
Arsenal ay ku dhameysan doonto kaalinta labaad,
Nottingham Forest ayaa noqoneyso kooxda saddexaad ee usoo baxda Champions League,
Manchester City ay u dagaallami doonto booska afraad,
Newcastle United ayaa gali doonto kaalinta shanaad,
Chelsea ayaa seegi doonto booskooda Champions League,
Aston Villa, Brighton, Bournemouth iyo Fulham ayaa ku dhammeysan doona tobankii kooxood ee ugu sareeyay.
Dhanka kale, Everton waxay aad uga fogaan doontaa boosaska looga harayo Premier League.
Liverpool ayaa labo kulan oo xiriir ah laga badiyay, taasoo dhalisay in la isla dhexmaro in kooxda uu daal ku dhacay. Balse Arne Slot wuu diiday aragtidaas kadib guuldaradii ka soo gaartay Newcastle.