Thomas Tuchel ayaa sii watay bilowgiisii wacnaa ee shaqadiisa xulka England, balse waxa uu qirtay inuu dareemay in uu ku qasban yahay in uu beddelo Jude Bellingham sababtoo ah waxa uu ka baqay in xiddiga Real Madrid la siiyo kaadh cas.
Goolal ay dhaliyeen Reece James, Harry Kane iyo Eberechi Eze ayaa England ku hoggaamiyey guul 3-0 ah oo ay ka gaareen Latvia garoonka Wembley, balse Bellingham ayaa nasiib u yeeshay inuu ka badbaado kaadh labaad oo hurdi ah xilli xulkiisu uu hal gool oo kaliya ku hoggaaminayey ciyaarta.
Tuchel ayaa yiri: “Kaadhkii koowaad wuxuu u muuqday mid adag. Kaadhkii labaad wuxuu ahaa mid macquul ahaa. Waxaan dareemi lahayn in uu yahay mid adag balse ciyaarta ayuu rogi lahaa. Markii aan aragnay, waxaan si degdeg ah go’aan ugu gaarnay inaan badalno.”
Wuxuu intaas ku daray: “Guud ahaan, waxaad arki karaysay dadaalka badan ee Jude geliyey ciyaartii ugu horreysay. Waxa aad arkaysay inuusan dareemayn firfircooni badan. Taasi waa aragtidayda, ma hubo in uu igu raaci doono. Ma aanan dooneynin inaan khatar geliyo, sidaas darteed ayaan u beddelay.”
Bellingham ayaa kaadhka digniinta qaatay dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta, balse wuxuu ka badbaaday ganaax ka dib qalad uu ku galay Raivis Jurkovskis. Toban daqiiqo ka dib, waxa lagu beddelay Phil Foden.
Ka dib markii uu Bellingham ka baxay garoonka, England ayaa guusha xaqiijisatay iyagoo uu Kane iyo Eze min hal gool dhaliyeen ka dib markii uu James – oo ciyaarayey kulankiisii ugu horreeyay muddo labo sano ka badan – uu xulkiisa hoggaanka ugu dhiibay kubbad laad xor ah oo cajiib ah.
Tuchel wuxuu si gaar ah ugu farxay bandhigga James, wuxuuna yiri: “Waan garanayaa Reece, tayadiisa waa wax cajiib ah. Wuxuu xaq u leeyahay inuu isaguna ku farxo. Wuxuu ku jiraa qaab ciyaareed heer sare ah, wuxuu u muuqdaa mid feejigan oo taam ah, tayadiisana wax shaki ah kuma jiro.”
Difaaca Chelsea ee James ayaa isaguna dareenkiisa ka hadlay, wuxuuna yiri: “Waa waqti dheer, waxay ii ahayd labo sano iyo bar aad u adag. Aad ayaan ugu faraxsanahay in mar kale la iigu yeero xulka. Thomas fikradiisu waa mid cad. Hal yool ayaan leenahay oo waxay ka bilaabanaysaa toddobaadkan ilaa iyo Koobka Adduunka.”
Kabtan Kane ayaa isaguna muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay tababaraha cusub ee England, wuxuuna yiri: “Thomas waa qof cajiib ah. Si dhakhso ah ayuu ula qabsaday xulka. Waa tababare aad u fudud in lala shaqeeyo – wuxuu keenay xulka xamaasad badan.”