Xiddiga Arsenal, Thomas Partey, ayaa qirtay inuusan “ku jirin heerkiisii ugu fiicnaa” intii lagu jiray guushii 2-0 ee kooxdiisu ka gaartay Leicester Sabtidii.
Gunners ayaa u muuqatay koox daciif ah bilowgii ciyaarta ee garoonka King Power, iyagoo anan heeysan ciyaartoy muhiim ah kadib markii Kai Havertz lagu dhawaaqay in uu maqnaan doono inta ka dhiman xilli-ciyaareedkan, taasoo keentay in Leandro Trossard uu ku bilowdo weerarka.
Kadib markii ay arkeen Raheem Sterling oo ku dhibtoonaya inuu saameyn ku yeesho ciyaarta, tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa badal kusoo geliyay khadka dhexe Mikel Merino si uu uga ciyaaro weerarka. Go’aankaas wuu shaqeeyay maadaama xiddiga reer Spain uu dhaliyay labo gool oo daqiiqadaha dambe yimid, taasoo Arsenal u suuragelisay inay guul ka gaarto Leicester.
Partey ayaa garoonka ka baxay daqiiqadii 76-aad, waxaana lagu bedelay Jorginho. Markii dambe wuxuu soo dhigay Instagram qoraal uu si daacadnimo leh uga hadlayo bandhigiisa. Wuxuu yiri: “Maalmaha aanan fiicneyn, xamaasadda kooxda ayaa nagu hogaamisa guusha. Vamoooosss.”
Ugu dambeyn, Mikel Merino ayaa ahaa geesiga ciyaarta, isagoo Arsenal ka caawiyay guul adag. Tababare Arteta ayaana ammaan u jeediyay xiddigiisa, balse qirtay in kooxdiisu nasiib lahayd maadaama Merino uu shiday ciyaarta.
“Waxaan u maleynayaa in ciyaartu bilowday inay si fiican u dhacdo, waxaana sabab u ahaa merino in ay Leicester gadaal u gurtaan. Taasi waxay na siisay fursado badan, kubbado badan, iyo kubadaha geesaha ka imaada Waxaan aaminsaneyn inuu saameyn yeelan karo,” ayuu yiri Arteta. “Nasiib ayaan laheyn inuu sidaas sameeyay.”
“Waa inaan si wadajir ah u shaqeyno, waana ognahay taas. Mararka qaar waa inaan badal sameynaa sababtoo ah ciyaaryahan ayaa liidan kara, ama kooxda kale wax kale ayay sameyn kartaa, ama xiddig ayaa loo taagi karaa kaarka hurdiga ah ama wuu daali karaa. Taasi waxay xaddideysaa waxa aan sameyn karno.
“Laakiin waxaan u diyaar garownay xaalado kala duwan. Waxaan rajeynayaa inay shaqeyn doonto shaxda sidii ay u shaqeysay badalkii Mikel maanta.”