Thomas Partey ayaa muujiyay kalsooni ku saabsan sida Arsenal u wajahayso kulanka lugta labaad ee wareega siddeed dhammaadka Champions League ee ay la ciyaarayaan Real Madrid.
Inkastoo ay haystaan 3-0 guul ah oo ay heleen lugtii hore, Partey wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado feejignaanta iyo in ay ciyaaraan ciyaartooda caadiga ah.
“Waxaan u maleynayaa inaan tan horey u soo marnay marar badan markii aan halkan ku ciyaarnay, mana noqon doonto wax cusub. Waa inaan kalsooni ku qabnaa kubadda oo aan ciyaarno ciyaartayada.”
“Dhammaanteen waan ognahay waxa la inaga doonayo. Waa inaan halkaas u aadnaa anagoo maskaxda ku hayna inaan guuleysano. Waxaan rabnaa inaan guuleysano ciyaar kasta. Waxaan u maleynayaa inaan soo nbandhigi doonno ciyaar qurux badan, kalsooni ku qabno kubadda, sidoo kale aan isku dayno inaan ogaanno meelaha aan daciifka ka nahay oo aan si wacan wax u weerarno.”
Si kastaba ha ahaatee, ka qeybgalka Partey ee kulanka soo socda ayaa ah mid shaki la geliyay. Waa la beddelay kulankii ay Arsenal barbaraha 1-1 la gashay Brentford, sababo la xiriira arrin caafimaad oo looga baqay.
Tababare Mikel Arteta ayaa sheegay inay sugayaan baaritaan caafimaad si loo ogaado haddii Partey uu diyaar u noqon doono kulanka ka dhanka ah Real Madrid.
Arsenal ayaa si dhow ula socon doonta xaaladdiisa inta ay isku diyaarinayaan kulanka muhiimka ah ee ka dhici doona garoonka Santiago Bernabéu.