Halyeyga reer France ee Thierry Henry ayaa ka hadlay go’aan ay qaadatay kooxda kubadda cagta Chelsea oo ay ugu diidday laba ciyaartoy oo Faransiis ah inay dalkooda u dheelaan ciyaaraha Olombikada, waxaana uu ku dooday in aanay arrintani ahayn mid layaableh.
Chelsea ayaa qaadatay go’aan adag oo ah in xulka Faransiiska ay u diiddo inay u fasaxdo labada ciyaartoy ee Malo Gusto iyo Benoit Badiashile oo aan dalkooda u dheeli doonin olombikada oo la qabanayo xagaagan.
Halyeygan hore ee Arsenal iyo Barcelona, sidoo kalena waqtiga kooban kusoo qaatay Juventus iyo Monaco ayaa waxa uu sheegay in uu u garaabayo Chelsea oo aanay ahayn xaalad fudud marka ciyaartoyda loo qaadanayo ciyaaraha Olombikada oo kooxuhu ay go’aanka kama dambaysta ah ee ciyaartoyda iska leeyihiin.
Henry ayaa yidhi: “Waa inaad ogaato inay adag tahay inaad xal u hesho oo aad ku qasban tahay inaad iyaga u tagto oo aad kooxaha weydiisato fasax in ay kuu siiyaan ciyaartoyga, sababtoo ah ma aha ciyaaro ay FIFA maamusho.”
Xulka qaranka Faransiiska ayaa sannadkan ku jira waddamada loo saadaalinayo ciyaaraha olombikada oo ay usoo xusheen ciyaartooyo badan oo wanaagsan oo ay da’doodu yar tahay, laakiin waxa ka maqan Kylian Mbappe oo la filayey in lagu dari doono xulka balse la rumaysan yahay in Real Madrid oo uu heshiis u saxeexayo ay ku riixday in aanu tegin ciyaaraha olombikada maadaama uu ka qayb-gelayo ciyaaraha Euro 2024 ee bishan June ka bilaabmaya waddanka Germany.