Weeraryahankii hore ee Arsenal, Thierry Henry, ayaa uga digay Barcelona sida ay ula macaamilayaan da’yarkooda, Lamine Yamal.
Yamal, oo 17 jir ah, ayaa noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunka, inkastoo uu xilli ciyaareedkiisii labaad ee xirfaddiisa ay tahay.
Garabka weerarka ayaa ammaan ballaaran helay isaga oo bandhigyo fiican sameeyay heer caalami iyo mid kooxeedba, isagoo boos joogto ah ka helay Barcelona isagoo keliya jira 16 sano.
Sidoo kale, wuxuu noqday ciyaaryahan boos ka helay xulka Spain isla sannadkaas, isagoo ka caawiyay dalkiisa hanashada Euro 2024 xagaagii hore.
Henry, oo sidoo kale u soo ciyaaray Barcelona, ayaa ka hadlay da’yarka intii lagu guda jiray falanqaynta ciyaaraha UEFA Champions League ee CBS Sports Studio.
Falanqeeyaha ayaa tusaale ahaan u soo qaatay saaxiibkiisii hore Bojan Krkic si uu uga digtoonaado sida kooxda Catalan-ka ah ugu khaldameen waayihii hore.
“Waxaad arki kartaa waxa kugu dhici kara markaad yar tahay oo aadan garanayn sida wax walba loola tacaalo. Wax walba si dhaqso ah ayay kuugu dhacayaan.
“Isaga [Bojan] wuxuu ku wareeray ciyaaraha iyo dhibaatooyinka ka heystay dhanka qoyska.
“Taasi waa wax aan mararka qaar dadku fahmin ama fahmi doonin sababtoo ah waxay ku arkaan halkaas, waad ciyaareysaa, wayna iloobaan inuu ilmeyar yahay oo aan la aqoonin ilaa qof walba uu ka fikiro inuu wanaagsan yahay.sida runta ah, waa mid wanaagsan isaga” ayuu yiri.
Hadda oo uu xil ka hayo Barcelona, Krkic ayaa kusoo bandhigay waaya-aragnimadiisa filim dukumeenti ah kadib markii uu ku guuldareystay inuu gaaro heerkii laga filayay.