Tababaraha cusub ee Juventus Thiago Motta ayaa si cad u sheegay in uuna doonayn Federico Chiesa isla markaana ku jirin qorshaha kooxdiisa xilli ciyaareedka soo socda.
Motta wuxuu waydiistay Chiesa inuu iska baxo xagaagan.
Waxaa lala xiriirinayaa kooxaha Chelsea iyo Bayern Munich.
Laguma darin talyaaniga shaxdii kulankii saaxiibtinimo ee Brest.
Motta, oo Bologna ka caawiyay inay ku dhameystaan kaalinta shanaad ee Serie A xilli ciyaareedkii hore, islamarkaana ay xaqiijiyaan booskooda Champions League, ayaa haatan hogaanka Bianconeri kala wareegay Massimiliano Allegri.
Kahor ololaha soo socda ee 2024/25, tababaraha Talyaaniga ayaa isbedel ku sameynaya kooxda isagoo qorsheynaya inuu kooxda ka diro dhowr ciyaartoy oo ay ku jiraan xiddigaha Weston McKennie iyo xiddiga heerka caalami ee dalka Talyaaniga Chiesa.
Chiesa ayaa lala xiriirinayay in uu ka tagayo Turin xagaagan xilli kooxaha sida Bayern Munich iyo Chelsea ay xiiso u muujiyeen saxiixa xiddigan khibrada leh.
Wakiilkiisa ayaa lagu soo waramayaa inuu u duulay London todobaadkii hore si uu wadahadalo ula yeesho Blues oo ku saabsan suurtogalnimada in kalyantigiisa uu u wareejiyo Stamford Bridge.
Si kastaba ha ahaatee, Motta, ayaa si cad u sheegay in 26 jirkaan uusan ku habooneyn qorshihiisa isla markaana uu xor u yahay inuu ka tago kooxda xagaagan.
“Chiesa iyo dhammaan ciyaartoyda kale ee aan loogu yeerin kulanka , kama tirsana mashruuca.
Waanu u caddaynay iyaga, waa inay sida ugu dhakhsaha badan u helaan xal cusub iyo naadi cusub. Go’aanka waa la gaaray.”
Kooxda reer Talyaani ayaa kulankeeda ugu dambeeya ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka la ciyaari doonta Atletico Madrid 11ka August ka hor inta ayna xilli ciyaareedkeeda cusub la ciyaarin Como sagaal maalmood kadib.